“Qofka Jannada Laga Waayaa Laangaab Ahe Dadka Reer Gabiley Ee Degen [Xaafadda Xawaadle] Waa Kuwa Ugu Qaadhaan Bixinta Badnaa”
“Komishanka Waxaan Leeyahay, Shacabku Ma Doonayaan IN Mar 2aad La Kordhiyo [Muddo-Xilleedka Xukuumadda] Ee Waxay Doonayaan…”Sheekh Aadan-Siiro
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo Boqollaal ka mid ah Dadweynaha Caasimadda Hargeysa Salaaddii Ciidda ee Arbacadii Toddobaadkii hore ku Tukiyey Garoonka Kubadda Cagta ee Xaafadda Xawaadle, ayaa khudbad Baraarujin ah oo uu Dadweynaha u jeediyay kaga hadlay Marxaladda Somaliland Mareyso, Doorashooyinka soo foolka leh, Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee Xukuumaddu la gashay Shirkadda Carbeed ee DP World iyo Arrimo kale oo muhiim ah.
Ugu Horeyn Sheekh Aadan waxaa uu u Mahad naqay Dadka dhalasho Ahaan Ka Soo jeeda Gobolka Gabiley ee degan Degmada 26-june ee Magaallada Hargeysa, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay kaalinta koowaad ka galeen qaadhaan loo ururinayay xabaallo cusub oo laga qorsheeyey waqooyiga Hargeysa. Waxaa kale oo uu sheekhu u mahad naqay Beesha uu ka dhashay ganacsade Cali Maaweel oo uu sheegay in ay iyaguna kaalinta labaad u galeen bixinta taborucaadkaas. “Halkan waxaan uga mahad naqayaa oo aan idiin sheegayaa gobolka Gabiley dadkau dhashay dembigooda iyo ka waalidkoodba illaahay ha dhaafo, waad ogtihiin oo gobolka Gabiley waxaa uu kamid yahay gobollada ayu dhasheen dadka degan meeshan aan ka hadlayo [xaafadda Xawaadle ee Hargeysa]. Runtii reer Gabiley iyaga oo deegaankan Hargeysa looga badan yahay haddana waa dadka ugu qaadhaanbixin badnaa [contrabution] Xabaallaha cusub. Adeerrayaal arrintu xoog maaha, magac maaha, magacyo hore iyo kuwo dembana maaha, laakiin annaga taladayadu waa qofkii Janada laga waayo ayaa laangaab ah”. Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan-Siiro), waxaana uu intaa ku daray “Annagu waxaanu barbar taagannahay qofka kheyrka u ololleeya cida uu doono ha noqdee. Waxaa kale oo aanu halkan uga ducaynaynaa reerka uu ka dhashay Cali Maaweel [Ganacsade Bulshada dhexdeeda Magac ku leh] waa reerka labaad ee ugu qaadhaan bixinta badan, dembigooda Illaahay ha dhaafo ka waalidkoodna ha dhaafo. Annagu dadka wanaagsan waanu dhiirinaynaa inta kalena waxaanu leennahay waar halkani waa halkii waalidkaa iyo ehelkaaga cidda aaad ugu jeclayd lagu aasayay”. Ayuu yidhi sheekhu, Waxaanu u duceeyey dadkii ka qayb qaatay tabarrucaadkii lagu iibiyey dhulka loo qorsheeyey in ay xabaallaha cusubi noqdaan halkaas oo haatan ay qaybo kamid ahi dhiman yihiin nidaamintoodu.
Dhinaca kale Aadan Siiro waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashada iyo heshiiska DP World iyo Xukuumadda ee Dekedda Berbera, waxaanu farriin u diray komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo uu sheegay in Dadka u dhuun-daloola arrimaha Doorashooyinku shaqadooda dhaliillayaan, waxaanu yidhi, “Waxaanu farriin u direynaa Komiishanka Qaranka oo ay ku soo fool-leedahay Hawl adag ah oo Doorashooyin ah oo Dadku ku kala Nabad-gelayaan. Maxaynu ku dooranay Doorashooyinka?. Waxaanu nahay Dadka taageersan (Doorashooyinka) si aanu dhib u dhicin oo Dadku u tartamaan si xor iyo Xalaal ah, iyadoon Boob jirin, Khiyaamo jirin, iyadoo aanay jirin in kolba Xisbiga Talada hayaa uu isticmaalo awoodda uu leeyahay, Markaa Komiishanka waxaanu kula talinaynaa inay ka dedaalaan inaan mar dambe la kordhin (Wakhtiga Xukuumaddu Xilka sii hayneyso) sida Dad badan oo u dhuun-daloolaa Saadaalinayaan.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo ka hadlay Cawaaqibka ka dhalan kara in Doorashadu mar kale dib u dhacdo, “Doorashada oo dib u dhacdaa waxay halis ku tahay Nabadgalyada Jamhuuriyadda Somaliland, Waayo? Waxaynu doorashada u samaysanay in Qofkii doonaya inuu tartamaa inuu si xor ah tartanka u soo galo. Komiishanka waxba u qarin mayno oo waxay ku soo beegmeen Xaalad adag, haddana Awooddooda, Kartidooda, iyo Go’aan qaadashadooda Dadka arrimahaa aadka u indho-indheeyaa aad bay u dhaliilayaan, markaa Komiishanka waxaanu leenahay Guntiga Dhiisha iskaga Dhiga , Axsaabta Qaranka dhex u ahaada. Garoonka marka Ciyaartu socoto haddii Ninka Siidhi-wadaha ahi uu yahay Nin Jilicsan oo aan garanayn qaabka Ciyaartu u socoto iyo Cidda doonaysa inay Ciyaarta kharibto, awoodna aan u lahayn inuu Kaadhka Cas siiyo si Ciyaartu si wanaagsan ugu socoto dhibaato badan bay leedahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray, “Komiishanka waxaanu leenahay Ummaddu ma ogola kordhin dambe, Mar hore ayaa la kordhiyey, mar labaad in Kordhinta laga ilaaliyo ayay doonayaan Shacabku oo si wanaagsan doorashada loo qabto.”
Sheekhu waxa kale oo uu talooyin u soo jeediyey Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, “Xisbiyada Qaranka waxaanu kula talinaynaa inay Ummadda ilaaliyaan oo aanay qaybin. Waxaanu kula talinaynaa in aanay Qabyaalad isticmaalin, in aanay Hantida Ummadda Isticmaalin, laakiin si Xor iyo Xalaal ah loo tartamo, taasina waxay keenaysaa in Dadku ku kalsoonaadaan Doorashada, markaa waxa aad u habboon in arrimahaa la ilaaliyo.” Ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey, “Heshiiska Dekedda Berbera ee ay gashay Xukuumadda wakhtigeedu soo dhawyahay Dad badan oo lagu tuhmayo Xeel-dheeri, karti iyo Aqoonba waxay leeyihiin Mad-madow badan baa Heshiiskaa ku jira. Nin Hillaab-Xumi inuu wax Qarsanayaa la moodaa.”
Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay Ahmiyadda Dekedda Berbera u leedahay Guud ahaan Qaranka Somaliland, “Dekedda Berbera waa Isha (Dhaqaalaha ka soo baxa) 80% lagu ilaalinayey Ciidammada, waa isha lagu ilaalinayo Dawladnimada aynu 25-ka Sannadood ku naaloonayno, markaa dhib ka dhacda Berbera waxay ka dhigan tahay in Somaliland dhib badan gaadhay, markaa waxaanu Xukuumadda iyo Dadka Caqliga iyo Aqoonta lagu tuhmayo kula talinaynaa in Heshiiskaasi waxa uu yahay la caddeeyo, in Ummadda iyo Dadka Aqoonta lihi ogaadaan, hadduu Mad-madow ku jirana laga saaro, haddii uu saxsan yahayna aan waxba la qarsane Ummadda loo soo bandhigo. Ummaddu way taageersan tahay wax kasta oo Wanaag iyo horumar u keenaya, laakiin waxa la diiddan yahay inay timaaddo Shay Mad-madow leh oo Koox is ogi ku shaqeysanayaan, taana Marnaba Ummaddu ogolaan mayso, Maaha Berbera oo keliya ee Somaliland oo dhan baan ogolaanayn Heshiis Mad-Madow ku jiro.”
Sidoo kale, Sheekh Aadan-Siiro waxa uu Xukuumadda ka waaniyey iibka Dhulka Danta Guud oo uu sheegay inuu yahay ka keenaya inaan lagu kalsoonaan Heshiisyada ay gasho, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Dugsigii Waxbarashada Haweenka Hargeysa iyo meelo kale oo badan.
Ugu dambeyn, waxa uu Sheekhu halkaa uga duceeyay Ganacsato iyo Dad kale oo ka qayb-qaatay dhismaha Deyrka Xabaalaha cusub ee Xeedho