23,700 oo saacadood oo dadka beeralayda ah loo qodo doono
“Guud ahaan Dadka Waxaan Ku Baraarujinayaa Wixii ina Soo Maray ee Dhibaato ahaa Waynu isla Wada Garanaynaa intaa Roobku inoo Da’ayo Wakhtigu inama Sugayo ee Waa in La Tabcado”
Wasaaradda Beeraha ayaa in ka badan 7,900 oo qoys oo beeralay ah ka caawinaysa qodaalka beeraha, kuwaasi oo ka soo kala jeeda gobolada Somaliland.
7,900 qoys ee beeralayda ah ayaa lagu wadaa in loo qodo 23,700 oo saacadood, iyada oo laga taageerayo dhinaca wax soo saarka ka dib markii kaydkoodii iyo u diyaar garawgii qodaalka saamayn ku yeelatay abaartii dhawaan dalka ku dhufatay.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay inay ka wasaarad ahaan ku dedaalayaan in wax la tabcado, isla markaana iyaga oo hay’addo kala duwan la kaashanaya fulin doonaan inay ka taageeraan dhinaca qodaalka beeraha qoysas tiradoodu dhan tahay 7,900 oo qoys.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Ujeedada shirkan jaraa’id ee aan maanta qabtay waxa ay ku sabsan tahay inaan ka waramo marka hore xaalada roobka, ku talo galka wasaaradda beeraha iyo sida looga faa’iidaysanay gu’gaa inoo curtay.
ILAAHEY mahadii waxa ina soo martay abaar ba’an oo saamaysay biyo la’aan, baad yari xoolaha ah iyo cunto yari dadka ah ka dib markii uu laba sanadood uu roobkii la filayey uu inoo di’I waayey, sanadkan roobku waxa uu inoo bilaabmay bishii April labadeedii, meelo badan oo beeralay ah wooxoogaa dhibaato ah wuu soo gaadhsiiyey oo nimcada nusqaanteeda ah oo ay ka mid ahaayeen Darayadheere meesha la yidhaahdo oo u dhaxaysa Xariirad iyo Qorilugud oo beeralay ah, meesha Habaas la yidhaahdo, Ceelbaxay goobahaasi oo aanu tagnay oo hay’adihii meesha joogaynay ay ballan qaadeen inay wax ka gaystaan oo ay sameeyaan Kanaaladii burburay, waxa kale oo jira meelo kale oo aanaan tegin, balse aanu ognahay in roobku dhibaatooyin u gaystay, hay’addo badan oo deeganadaasi ka shaqeeyana aanu kala hadalnay oo aanu Insha Allah rajaynayno inay iyaguna wax ka qabtaan”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata isaga oo ka hadlaya heerarka roobka da’ay sanadkan iyo sanadkii hore waxa uu yidhi “Sanadkii hore roobkii inoo da’ay marka la bar bar dhigo bishan April ee sanadkan iyo bishii April ee sanadkii hore ee 2015-ka , marka la isku celceliyo sanadkii hore waxa uu ahaa 19 Millimeter dalka oo dhan, sanadkana waxa uu yahay 64.7 Millimeter, markaa waad arkaysaan faraqa u dhaxeeya bishii April ee sanadkii hore iyo bisha April ee sanadkan Insha Allah waxaan rajaynaynaa inuu haatan bilaabmay inuu sidaa inoogu wado ilaa imikana roobkii wuu da’ayaa”
Wasiirka oo ka hadlaya ku talogalka wasaaradda ee arrimahan waxa uu yidhi “Waxa jira ku talo gal ay wasaaradda beeruhu samaysay oo ka bilaabantay sanadkii hore bishii May, markaanu aragnay in beerihii la qotay ay soo biqli waayeen, wasaaradda beeraha ayey ahayd ciddii u horeysay ee ku dhawaaqday inay Abaari ay jirto, abaartiina way timid, qoraalkii aanu wakhtigaasi samaynay ee aanu hay’addaha u qornay hay’addo badan ayaa ka soo jawaabay si kala duwana way uga soo jawaabeen, hay’addo badan ayaa waxa ay soo direen saacado qodaal ah oo beeralayda loogu qodo hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee maxaliga ah, hase ahaatee hay’adda FAO oo ay wada shaqayni naga dhaxayso waxaanu wada wadnaa sidii dadka loogu qodi lahaa beeraha dadka danyarta ah ee aan beeraha qodan karayn ee aan Dibi haysan ama aan haysanin kharash ay cagaf ku kiraystaan”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu dirnay todoba kooxood oo aanu u dirnay dagmo qodaal degmooyinkaasi oo kala ah Degmada Boorame oo aanu ugu talo galnay iskaashigaa anaga iyo FAO naga dhaxeeyaa inaanu 2,100 (laba kun iyo boqol) qoys beeraha loo qodo, taasi oo u dhiganta 6,300 (Lix kun iyo Sadex boqol) oo saacadood, Degmada Baki oo la caawiyo 900 (Sagaal boqol) oo Qoys oo u dhiganta in lagu caawiyo 2,700 (Laba kun iyo todoba boqol) oo saacadood, Degmada Gabiley oo iyaduna la caawin doono 2,050 (Laba kun iyo konton) Qoys, taasi oo u dhiganta 6,150 (Lix kun iyo boqol iyo konton) saacadood, degmada Hargeysa oo la caawin doono 1,900 (Kun iyo sagaal boqol) oo qoys una dhiganta 5,700 (Shan kun iyo todoba boqol) oo saacadood, Degmada Sheekh oo la caawin doono 700 (Todoba boqol) oo qoys una dhiganta 2700 (Laba kun iyo todobada boqol) oo saacadood, Degmada Burco oo iyana la caawin doono 300 (Sadex boqol) oo Qoys oo iyana ah 900 (Sagaal boqol) oo saacadood ah, Degmada Oodweyne oo iyana la caawin doono 350 (Sadex boqol iyo Konton) qoys oo u dhiganta 1050 (Kun iyo konton) saacadood, isugayn dadka la caawinayaa waxa ay noqon doonaan 7900 (Todoba kun iyo sagaal boqol) oo qoys 23,700 (Sadex iyo labaatan kun iyo todoba boqol oo saacadood), waxa kale oo jirta tusaale ahaan mashruuca aanu ka wadno Aburiin ee Sanduuqda SDF-ku uu maalgaliyo waxa uu caawin doonaa oo uu beeraha u qodayaa 436 (Afar boqol sodon iyo lix qoys), taasi oo ah 1,307 (Kun Sadex boqol iyo sideed) saacadood, waxa kale oo jira hay’addo ay gaarkooda miisaaniyada ugu jirtay oo iyaguna caawin doona beeralayda deegaanadaasi aan soo sheegay, waxa kale oo jira dad muxsiniina iyo qurbajooga oo iyaguna dadkii deegaanadooda u soo diray saacado beeraha loogu qodo oo dad ku soo hagaajiyey, intuba marka la isku geeyo waxa ay dan u tahay wax soo saarkeena iyo ka manaafacaadsigeena”.
Wasiirka ayaa bulshada booriyey, waxaanu yidhi “Dadka waxaanu ku boorinaynaa, marka hore inay qotaan hadhuudh iyo arabikhi, taasi oo laba faa’iido leh, faa’iidada koowaad waxa weeyi wixii dadku cunaayeen ayaa ku jira, faa’iidada labaadna waxa weeyi calafkii xoolaha ayaa ku jira, waxaanu dadka ug digaynaa inay wakhti isaga lumiyaan wax la yidhaahdo daaq beerid oo ah fikrad imika ina soo gashay, daaqaasi midho dadku cuno ma leh, isla markaasina cimiladeena, xoolaheena iyo dhibaato uu dadka ku keenayo ayuu leeyahay, wasaarad ahaana daaqaqa qaar badan oo aanaan ogolayn ayaa jira, ruqsadna aanaan sinaynin cidii aanu ku aragnana aanu dambi ku qaadayno, guud ahaan dadka waxaan ku baraarujinayaa wixii ina soo maray ee dhibaato ahaa waynu isla wada garanaynaa intaa roobku inoo da’ayo wakhtigu inama sugayo, waxa soo dhaw bisha May wixii ka dambeeya xagaa ayaa soo dhaw, baaqa wasaaradduna waxa uu yahay in la tabcado”.
Labadii sano ee u dambeeyey waxa hoos u dhac weyni ku yimid wax soo saarka beeraha oo ay saamaysay abaartii dalka ku dhufatay, iyada oo sanadkana la rajaynayo inuu wax soo saarka beeruhu kor kac ku yimaado, maadaama oo dadka beeralayda ah laga taageerayo qodaalka, iyagana maskaxdooda ka dhex guuxayso saamaynta abaartii dalka ku dhufatay horaantii sanadkan.