Claudio Ranieri ayaa sheegay inuu seegi doono kulanka Chelsea iyo Tottenham ee habeen danbe sababtoo ah waxa uu u duulayaa gurigiisa Talyaaniga isagoo la qadeyn doona hooyadiis oo 96 sanno jir ah.
Kulanka London Derby ee habeen danbe ayaa saameyn weyn leh, iyadoo kooxda Leicester ay ku guuleysan doonto horyaalka haddii Spurs ay ku guuldareysato inay ku badiso Stamford Bridge.
Laakiin caadiyan, tababare Ranieri ma taageeri doono kooxdiisa hore ee Chelsea sababtoo ah waxa uu u u duulayaa dalkiisa Talyaaniga berri.
Waxa uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka danbeeyay kulankii ay barbaraha la galeen maanta Manchester United inuu noqon doono ninka ugu danbeeya ee ogaado natiijada kulanka habeen danbe sababtoo ah waxa uu la qadeynayaa hooyadiis oo 96 sanno jir ah.
Waxa uu yiri: “Waan jelcaan lahaa inaan daawado kulanka Tottenham laakiin waxaan u duulayaa Italy sidaasi darteed ma ogaan doono natiijada ilaa iyo aan ka soo dego Ingariiska.”
“Hooyadeey waa 96 sanno jir, waxaana jeclaan lahaa inaan la qadeeyo iyada”