Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa maanta oo Sabti ah ka qaybgalaya fadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii shirguddoonku u yeeray.
Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada isaga oo faah-faahin ka bixinaaya heshiiskii hoggaamiyaasha madasha sare ay ka gaareen doorashada 2016.sida laga soo xiganayo, Agaasimaha Baratakoolka Baarlamaanka Cumar Maxamuud.
Raysalwasaaraha ayaa si rasmi ah ugu wareejinaya Baarlamaanka heshiiska si ay uga doodaan isla markaana uga dhigaan sharci jira oo lagu heshiiyey, sida laga soo xiganayo afhayeenka Baarlamaanka.
Warar Horseed Media heleyso ayaa sheegaya in Raysalwasaaruhu u gudbinaayo codsi Baarlamaanka ah xilliga ugu danbeysa ee dhismaha Baarlamaanka beddalaya iyaga in wax lagu darro halka uu markii hore ka ahaa 12 August.
Waxaa Baarlamaanka dhexdiisa ka jira guux weyn oo ku aadan heshiiska, waxaana Muqdisho ka socdey maalmihii u danbeeyey ol-ole Xildhibaanada laga dhaa-dhicnaayey in ay wax ka beddalaan heshiiska. Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada ayaa doonaya in ay soo laabtaan isla markaana xujooyinka cusub ee ku xiran caqabad ku tahay.
Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa ka soo horjeeda qodobo ay ka mid yihiin:
– Tirada Xildhibaan kasta laga doonayo cod ahaan in uu helo ee gaareysa 50.
– Aqalka sare ee laga reebay gobolka Banaadir.
– Saxiixa Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ee xubnaha Aqalka sare, iyo qodobo kale.
Dhanka kale waxaa jira saluug weyn oo uu qabo Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana mugdi ku jira mustaqbalkiisa siyaasadeed, kadib markii talada Koonfur Galbeed ay gacanta u gashey mar labaad Shariif Xasan Shiikh Adam Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Jawaari ayaa doonaya in wax laga beddalo awoodda la siiyey Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, taas oo aan la ogeyn sida ay ugu meel mareyso.
Waxaa la aaminsan yahay in ay adag tahay in Xildhibaanada Baarlamaanku wax ka beddelaan heshiiska, oo ay mindida dabkeeda ku wareejiyeen Hoggaamiyaasha madasha sare, doorkoodu waxa uu ahaa xilligii uu socdey shirkii madasha in ay hakiyaan, iyada oo heshiiskan Puntland gaarsiisiye meel fog.
Shirkii u danbeeyey ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesho Soomaaliya ayaa Baarlamaanka laga dalbadey in ay dedejiyaan meelmarinta heshiiska iyo geeddi socodka.