Kabtan John Terry Oo Rajaynaya In Uu Chelsea Sii Joogo Isaga Oo Ka Hadlay Xaaladiisa Jidh Ahaan Iyo Muddada Uu Kubbada Cagta Sii Ciyaari Doono

Date:

Kabtanka Chelsea ee John Terry ayaa rajo ka muujiyay in uu ku sii nagaan doono kooxdiisa Chelsea ee uu waqtiga dheer ka soo ciyaarayay. Terry  ayaa hore u cadeeyay in uu Stamford Bridge ka bixi doono dhamaadka xili ciyaareedkan kadib markii ay kooxdiisu u soo badhigi wayday wax heshiis kordhin ah laakiin Antonio Conte ayaa la fahansan yahay in uu doonayo in Terry  uu sii joogo Chelsea.

John Terry ayay hadda da’diisu tahay 35 sano jir wuxuuna sheegay in uu jidh ahaan u fiican yahay isla markaana uu laba sano oo kale uu kubbada cagta sii ciyaari doono haddii ay Chelsea noqoto iyo haddii kaleba balse waxa uu rajeeyay in ay Chelsea noqon doonto kooxda uu sii joogi doono.

Terry ayaa Chelsea u saftay in ka badan 700 jeer wuxuuna kooxda kula guulaystay afar koob oo Premier Leaque-ga ah iyo waliba koobka Champions Leaque-ga, waxaana Terry lala xidiidhinayay  horyaalka Maraykanka iyo bariga dhexe.

John Terry ayaa yidhi: “Aniga waxaa ii hadhay laba sano , xaqiiqadii waxaan doonayaa in aan sii ciyaaro waxaanan rajaynayaa in aan Chelsea sii joogo. Haddii ay Chelsea noqon waydo waxay noqon doontaa meel kale.Anigu xaqiiqdii wanaag ayaan jidh ahaan u dareemayaa waxaanan doonayaa in aan sii ciyaaro inta aan awoodayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...