Somaliland: Guddoomiye Cirro Iyo Weftigii Wehelinayey Oo Kulan Heer-sare Ah La Qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adda USAID+Sawiro

Date:

Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa weli ku sugan dalka Mareekanka, Weftigu waxa ay iyaga oo sii wata kulamadii ay la lahaayeen saraakiisha Dawladda USA maanta kulan la qaateen mas’uuliyiinta hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareekanka ee loo yaqaan USAID. Madaxda ay guddoomiyaha iyo waftigiisu la kulmeen waxa ka mid ahaa Agaasimaha waaxda Bariga Africa Ryan Washburn, Madaxa Arrimaha Dimuqraadiyadda Tomas Bridle iyo u-qaybsanaha USAID ee Somalia iyo Somaliland.

Arrimaha kulankan lagu gorfeeyey waxa ka mid ahaa caawimada ay dawladda Mareekanku siiso Somaliland ee dhinacyada: Dhaqaalaha, dhismaha dawladnimo, dimuqraadiyadda, doorashooyinka IWM. Madaxda USAID ayaa hoggaanka waftiga WADDANI u sheegtay in ay caawimada ay siiyaan Somalida ay 30% ka mid ah toos u siiyaan Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa mas’uuliyiinta USAID u gudbiyey codsi ah in ay kordhiyaan deeqda ay siiyaan Somaliland, isaga oo weliba ka codsadey in la gaadhsiiyo deeqdaa illaa 50%, Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxa kale oo ay hay’adda Mareekanka u qaabilsan horumarinta ka codsadeen in deeqahaas xoogga la saaro arrimaha ay ugu horeeyaan: horumarinta dhallinyarada, shaqo la’aanta iyo abaaraha, iyada oo uu halkaas ugu faahfaahiyey dhibaatada ay shaqo la’aantu ku hayso da’yarta Somaliland.

Dhinaca kale waxa kulanka lagu gorfeeyey sidii ay dawladda mareekanku u sii wadi lahayd kaalmada ay ka geysato dhinacyada doorashooyinka, taagerada dhismaha xisbiyada qaranka iyo adkaynta dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxa xusid mudan in xubnaha weftiga ee ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hor-kacayo Guddoomiyuhu ay si gaar ah shir ula galeen waaxda takhasusaadka baarlammaannada ee USAID iyaga oo u soo ban-dhigay baahiyaha Baarlamaanka iyo in ay arrimaha farsamo ka taageeraan (technical Assistance) Baarlamaanka Somaliland.

Ugu danbeyntii, madaxda hay’adda USAID ee kaalmada caalamiga ah u qaabilsan dawladda mareekanka ayaa ka garaabay isla markaana ballan-qaaday in ay kordhin doonaan kaalmada ay siiyaan Somaliland, iyaga oo tix-gelin dheeraad ah siin doona codsiyada weftigu u soo gudbiyeen. Kulankanina waxa uu ku soo dhammaadey is-af-garad iyo jawi guul ah.

1-181-740x4162-77-740x4875-6-740x3323-69-740x4755-6-740x332

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...