Xaflad balaadhan oo lagu daahfurayay bilowga diwaangalinta codbixiyayaasha gobolka maroodi-jeex ayaa maanta lagu qabtay magaalada hargeysa.
Waxaana xaflad oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay ka qayb galay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud S”iilanyo”, masuuliyiinta saddexda xisbi qaranka, gudida komishank doorashooyinka qarank Somaliland, xubno wasiiro ah oo k socday xukumadda iyo waliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Waxaana ugu horeynba goobtaasi hadalo kooban kasoo jeediyay afhayeenka gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland mudane Siciid Cali Muuse waxaana uu ka dhawaajiyay in 30 bishan oo ku beegan maalinta sabtida ay si rasmi ah uga bilaabmyso diiwaagalintii codbixiyayashu gobolka maroodi-jeex, sidoo kalena waxa uu masuuliyiinta xisbiyada qaranka ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda ay kala sexeexdeen saddexda xisbi qaran iyo komishanku.
Sidoo kalena Saciid Cali Muuse waxa uu bulshada gobolka maroodi-jeex ugu baaqay inay ka qayb qaataan diwaangalinta isla markaana ay qaatan kadhka codbixinta ayna markaste ilaaliyaan nabadgaliyada iyo xasiloonida dalka.
Dhanka kale waxa iyagu hadalada goobtaasi iskaga daba maray masuuliyiinta saddexda xisbi qaran iyaga oo dhamaantood bulshada dega gobolka maroodi-jeex ku booriyay inay is diwaangaliyaan isla markaan ay qaataan kaadhka lagu codaynayo si ay markaasi u ugu codeeyaan cidii ay u arkaa inuu dalka iyo dadkaba wax u qabanayo, dhank kalena waxay gudida komishanka ku amaaneen hawsha adag ay qaranka u hayaan, iyga oo sheegay inay u hogaansami doonaan xeerka diiwaangalinta ee lakala saxeexday.
Gabagabadiina waxa munaasibadaasi lagu daah furayay diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka maroodi-jeex ka hadlay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” waxaana u sheegay inay diiwaangalitu ay qayb ka tahay inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaala. Waxaana uu madaxwaynuhu bulshada ugu baaqay inay is diwaangaliyaan isla markaana ay ka wantoobaan ku noqnoqshada.
Dhanka kalena madaxwaynaha Somaliland waxa uu ku dhawaaqay inay ka go;an tahay inuu qabto doorasho xor iyo xalaala isla markaana ay ku qabsoonto wakhtii loo asteeyey .
Sia kasteba ha ahaatee diiwaangalintii codbixiyayaasha ayaa maalinta sabtida oo ku beegan 30-ka bisha lagu guda jiro ka bilaabmi doonta guud ahaanba gobolka maroodi-jeex.