Kooxda Borussia Dortmund ayaa ku dhawaaqday in difaaca dhexe ee Mats Hummels uu si rasmi ah kooxdiisa ugu gudbiyay warqad codsi ah oo uu ku doonayo in uu ku biiro kooxda Bayern Munich
Mustaqbalka Hummels ee Signal Iduna Park ayaa tan iyo xili ciyaareedkii hore aan deganayn wuxuuna dhamaadka xili ciyaareedkan uu dib ugu laaban doonaa Allian Arena oo hore waqti kooban ugu soo qaatay. Dortmund ayaa war rasmi ah ku shaacisay in Hummels uu kooxda ku war galiyay in uu dhamaadka xili ciyaareedkan ku biiri doono kooxda ay cadawga yihiin ee Bayern Munich.
Qoraalka Dortmund ayaa lagu yidhi: “Mats Hummels waxa uu anaga nagu wargaliyay rabitaankiisa ah in uu kooxda xagaaga ka baxo wuxuuna doonayaa in uu ku biiro kooxda aan xifiltano ee Bayern Munich” Laakiin Dortmund ayaa sheegtay in Hummels ay Bayern Munich ka iibin doonaan kaliya haddii ay kooxda Bavaria ku soo dalbato dalab aan caadi ahayn.
Kooxda Borussia Dortmund ayaa cadaysay in aanu jirin lacag lagu burburin karo heshiiska Hummels ee Dortmund oo uu hore u saxiixay Hummels si la mid ah ciyaartoyda kale ee kooxda waxaana qoraalka lagu yidhi: “Kooxdu waxay jeceshahay in ay tilmaanto in Mats Hummels iyo ciyaartoyda kale ee kooxdu ayna hore u ogalaan lacag heshiiskooda lagu burburin karo, wuxuuna ciyaartoyga Hummels uu kooxda farsamo ahaan uu la sii joogi lahaa ilaa June 30, 2017”.
Kooxaha Manchester United, Arsenal, Barcelona iyo Liverpool oo dhamaantood lala xidhiidhinayay saxiixa Hummels ayaa hadda u muuqda in ay ku guuldaraysanayaan difaacan kaas oo doonaya in uu xili ciyaareedka danbe ka hoos ciyaaro Carlo Ancelotti oo Bayern Munich la wareegi doona.
Bayern Munich ayaa hore kooxda Dortmund uga qaadatay Robert Lewandowski iyo Mario Gotze.Hummels ayaa sanadkii 2008 kii Dormund amaah ahaan ugaga soo biiray kooxda Bayern Munich ee uu hadda dib ugu laabanayo waxayna markii danbe Dormund si rasmi ugula wareegtay 4 milyan oo gini.