Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa cadeeyay in markii ugu horaysay ay kooxdiisu xili ciyaareedkan wada heshay kooxdeeda oo dhamaystiran kadib markii ay maanta tababarka Gunners dib ugu soo laabteen labada xidig ee kala ah Santi Cazorla iyo Alex Oxlade-Chamberlain wuxuuna hadda Wenger haystaa kooxdiisa kowaad oo dhamaystiran.
Wenger ayaa kooxdiisa oo dhamaystiran helay waqti muhiim ah oo ay Gunners doonayso in ay ku dhamaysato afarta kaalmood ee ugu sareeya isla markaana ay xaqiijisato booskeeda Champions Leaque-ga. Arsenal ayaa sabtida Emirates Stadium ku soo dhawayn doonta kooxda heerka labaad in ay ulaabato ka baxsanaysa ee Norwich City, waxayna kooxda Wenger diirada ku haysaa in ay ka sii fogaato Manchester United oo kaalinta afraad u ordaysa.
Laakiin Wenger ayaa sheegay in Santi Cazorla uu kulanka Norwich City kooxda ka mid noqon doono wuxuuna yidhi: “Waxaa suurtogal ah in Santi uu usbuuc dhamadka kooxda ku jiri doono, anigu wali ma ogi. Santi waa diyaar, qof kastaaba waa diyaar, laakiin laga yaabee Oxlade-Chamberlain in aanu wali tartan ahaan diyaar u ahayn”.
Barbaro gool la’aan niyad jab lahaa oo ay Arsenal la soo gashay kooxda Sunderland ayaa fursad fiican abuurtay kooxda Louis Van Gaal ee Manchester United oo doonaysa in ay kaalinta afraad ku dhamaysato xili ciyaareedkan si ay Champions Leaque-ga ugu soo baxdo waxayna Gunners sabtida ciyaari doontaa kulan aad kooxdeeda muhiim ugu ah.