Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somali land C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa tiraba laba jeer diiday go,aan ka soo baxay Golaha Wasiiradda Somali land. Go,anka ayaa ahaa mid kor loogu qaadayo xanaanaynta Xoolaha iyo daryeelkooda guud ka dib Abaarahii banaa ee dalka ku habsaday. Dhawaan ayay ahayd markii wafti ka socda Wasaarada Xanaanada Xoolaha loo diray safaro ay ku soo qiimaynayaan Xaalada Xoolaha Waddanka.
Markii ay Xukumadu ka war-heshay daryeel-la,aanta Xoolaha dalka ayay Tiraba laba jeer Wasiir Cukuse Shirka Golaha Wasiirada lagu faray in uu ilaa BOQOL IYO KONTON Dhakhtat oo Caafimaadka Xoolaha ah u diro Goboladda dalka, mase dhicin arinkaasi waxaana si toosa u hor-istaagay Cukusaha ku Magacaaban Xanaanadda Xoolaha, ilaa iyo imika jira duruufo Caafimaad oo soo waajahay Xoolaha. lamana garanayoWaxaa ku kalifay in uu Go,aanadda Gollaha Wasiiradda hor-istaago.