Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa u anba baxay waqooyiga dalka America gaar ahaaana dalalka maraykanka iyo Canada.
Weftiga Guddoomiyaha oo abaarihii 11-kii maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ee caasimadda Hargeysa, ayaa u sii jeeda magaaladda Washington DC uu ka digi doono saacaddaha inagu soo foolka leh,waxaana halkaas diyaar ugu sii ah oo ku soo dhowaynaya guud ahaan dadweynaha Somaliland u dhashay ee dhaqan Maraykanka iyo Canadda oo iyagu-na soo dhoweynta Guddoomiyahooda Baarlamaanka halkaas u imanayeymaalihii la soo dhaafay.
Weftigan oo ah mid aad u ballaadhan, ayaa waxa ku wehelinayey Guddoomiye Cirro oo weftiga hogaaminaya, u tartame Musharax Madaxweyne ku xigeen Maxamed Cali Cabdi, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), Pro Keyse Cali Geedi, Marwo Caasha Xuseen Maraykan, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga WADDANI ee laanta dalka Ingiriiska Pro Kanadiid Cabdilaahi oo isagu ka sii raaci doona dalka Ingiriiska.
Sidoo kale, waxa weftiga ka mid ah Marwadda Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble.Safarkan oo u jeedooyin badan leh, ayaa la filayaa inuu muddo dhowr us-buuc ah qaato.
Waxaana la filayaa inuu gudoomiye cirro saaka gaadho magaalada Washington ee dalka maraykankas.