Somaliland: Xildhibaan Saciid Maxamed Cilmi Oo Ugu Baaqay Golaha Wakiilada In La Laalo Wada Hadalada U Furmaya Dawaladaha Somaliland Iyo Somaliya Kana Dhawajiyay Inay Maxkamad La Tiigsan Doonaan Wasaarada Maaliyada

Date:

Xildhibaan Saciid Maxamed Cilmi oo kamida mudanayasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta ka hadlay warar maalmihii u danbeeyey laysla dhex marayay oo ah in wada hadalo ay dalka uga furmayaan dawladaha Somaliland iyo Somaliland, waxaana uu xildhibaanku so jeediyay in lalaalo wada hadalaada isaga oona ku tilmaamay inay meel ku dhac ku tahay jiritaanka qaranimada Somaliland.

Xildhibaan Siciid Maxamed waxa uu labada gole qaran  ugu baaqay in ay si dag dag u wada fadhiistaan oo ay laalaan go’aankii hore ee ahaa in wada hadalkii lasii wadi karo xildhibaanka oo arimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.

“Qodobkaan maalin dhawaydna ka hadlay oo ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo somaliya waa qodob maadaama aynu taaganay meel xukumadda hada joogtaa aanay sagaal bilood kadib aanay dalka ka talin doonin waa qodob u baahan in dib loogu noqdo, golahayaguna hore waxa uu ugu fasaxay in xukumaddu ay la hadli karto somaliya waxaana muuqata wada hadalkii oo wado qaldan loo qaaday,sidaa darted anigu waxaan soo jeedin lahaa in goluhu dib u fadhisto oo la laalo wada hadalka Somaliland iyo somaliya inta dawlad cusubi dhalanayso, sagaalkaa bilood ee orodka lagu jiro ee ololaha lagu jiro inaan qalad la galin o qaladka ugu badan waxa uu dhaca marka isbadla jiro, hadii lagu sii socdana waxa dhici karta in meel aynu kasoo noqono ay wayno hadhaw markaa waa in la laalaa”Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Saciid Maxamed Cilmi.

Dhanka kale Xildhibaanka oo kamid ah gudida maaliyada iyo dhaqaalaha ee golaha wakiilada waxa uu ka dhawaajiyay inay maxkamad la tiigsan doonaan masuuliyiinta wasaarada maaliyada Somaliland, waxaana sheegay inaan marnaba la aqbalayn in miisaniyada dalka wax laga jaro isaga oo dhanka kalena ku eedeyey inay wasaarada ka jirto musuq hantiyeed waxaana uu yidhi.

“Maaliyadu waa xeer kamida xeerarka dalka sidaa darted suura gal maaha in wasaarada maaliyada iyo madaxtooyadu qoraalo intay isku qoraan ay yidhaahdaan misaaniyadii waa la gooyay, miisaniyada waxa lagu goyn karaa oo kaliya golaha wakiilada oo dib loogu soo celiyo oo xeer ahaana dib ugu codeeya, ta kale miisaniyadu laba boqol iyo dheeraad milyan ayay ahayd hadii la gooyo 25%  waxaad garanaysaa in markaa lixdan milyan oo dollar lacagtood laga jaray laynooma cadayn golahana looma sheegin shacabkana looma sheegin qorala kuma cada lixdankaa milyan ee dollar meesha la geeyay, waxaana wax lala yaabo ah in la yidhaahdo xukumadda danbe ee dhalanaysa aya daymanka oo dhan baxinaysa waa dambi arinkaa si deg deg ah Ayaan wax uga qaban doonaa maxkamadna waa la tiigsan doonaa wasaarada maaliyada”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay xildhibaan Saciid Maxamed Cilmi.

Si kasteba ha ahaatee hadalkan maanta kasoo yeedhay xildhibaan Saciid Maxamed Cilmi ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo ifbaxayaan wada hadalo dalka turkiga uga furmaya dawlada Somaliland iyo somaliya iyo waliba xukumadda iyo wasaarada maaliyada oo dhawaan soo saaray digreeto ay ku dhimayaan miisaaniada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...