Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kalfadhi ay iskugu yimaadeen waxay cod gacan taaga ku ansixiyeen gudida la dagaalanka musuqmaasuqa iyo gudida diiwaangalinta ururada siyaasada Somaliland oo muddo xiloodkoodu dhamaaday.
Waxaana mudanayasha goluhu ay muddo kordhis laba sano ah u sameeyeen gudida diiwaangalinta ururada siyaasada oo iyagu muddo xiloodkoodii dhamaaday isla markaan dhawaan madaxwaynaha somaliland usoo gudbiyay golaha codsi ah in muddo kordhis laba sano ah loo sameeyo gudidaas.
Waxaana kalfadhigan oo ay badiba kasoo xaadireen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo labadiisa ku xigeen.
Waxaana xildhibaanada golaha wakiiladu ay sidaa ku ansixiyeen labadaa guddi ee kala ah gudida la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gudida diiwaangalinta ururada siyaasada.