Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryaynta iyo gaadiidka Somaliland Mudane Cali Maxamad Xasan (Mareexan) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guryaynta iyo gaadiidka Somaliland Mudane Cali Maxamad Xasan (Mareexan) iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay ugu kuur-gali lahaayeen dhismaha jidka isku xidha magaaloooyinka Ceerigaabo Burco.
Maayirka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ugu horreyn isagu ka hadlay munaasibad soo dhawayn ah oo loo sameeyay wasiirka iyo weftigiisa, waxaanu sheegay inay wasiirka iyo waftigiisaba ku soo dhaweynayaan gacmo furan, waxaanu yidhi
“wasiirka iyo waftiga la socda ee dhismaha wadada Ceerigaabo iyo Togdheer waxaanu idinku soo dhaweynaynaa gacmo furan, hadaaanu nahay reer Ceerigaabo, waanu ka midaysanahay, dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Togdheer”
Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay in uu si habsami leh u socoto dhismaha jidika Ceerigaabo waxaanu yidhi
“dhismaha jidka Ceerigaabo meel wanaagsan ayuu marayaa, waana taa la arkayo inta la soo socday iyada oo aanu qof qudha boodhku duulin, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo. hadaaanu nahay dadweynaha gobolka Sanaag Illaahay baanu u mahadnaqaynaa, waxaana weeyaan intii wasiir Cali Mareexaan inoo yimid, wadadu waa ay dhaqaaqday oo wey socotay.”
Wasiirka hawlaha guud guriyaynta iyo gaadiidka Mudane Cali Maxamad Xasan Cali Mareexaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday maanta wadada Ceerigaabo halka ay mareyso
“waad ogeydeen wadadu halkii ay mareysay maalintii aanu idiin nimid, oo 14-km ayay aheyd, maanta inuu laamigii marayo 40-km, Soomaalideenuna waa ay iska hadal badan tahay oo mid xaq laguugu leeyahay iyo midaan laguugu laheynba waa ay iska soo baxaysaa, oo lama dhageysto, waxaad waddaan waa dhisme, kii soo maray ayaa ku odhanaya dhisme maaha markaa waxaas hadaad isku mashquuliso, waxba kuu hagaagi maayaan”
Wasiirku Cali isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “balan baynu ku kala tagnay, balantuna waxaa ay aheyd anagu wadada waanu dardargalinaynaa, wadadani mudnaan ayay qarankan u leedahay, oo mudnaanta koobaad ayay leedahay tacabkeedana Insha Allaahu waad arki doontaan, laakiin qaadhankii aynu ku balanay wali muu soo bixin, haday abaari jirtayna waa Illaahay mahadi oo imika roobkii waa uu innoo da’ay.”