Somaliland: Wafti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Oo Gaadhay Qool-cadey Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Deegaankaasi.

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay deeganada banka qoolcaday,kadib markii ay saaka halkaasi ka dhaceen iska hor imaadyo u dhaxeeyey ciidamda booliska “birmadka”iyo koox u hubaysan oo deegaanka ka soo jeeda,kuwaas oo diidan in la hirgeliyo seeraha banka qoolcadey,isla markaana ay is rasaasayni dhexmartay ciidanka iyo kooxda hubaysan,taas oo sababtey khasaare dhawac labada dhinacba ah.

Wasiirka arimaha gudaha Cali warancade ayaa waxa kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee gaadhay seeraha banka qoolcadey, wasiirka xanaanada xoolaha Cukuse iyo Taliyaha ciidanka booliska somaliland C/laahi fadal iimaan iyo weliba qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Sallaxlay iyo banka qoolcadey.

Dhanka kalena khasaaraha ka dhashay is rasaasaynta ku dhexmartey banka qoolcadey maanta ciidamada booliska iyo maleeshayida hubays, ayaa la sheegay in dhanka ciidanka booliska uu  dhawac ka soo gaadhay saddex askari,halka kooxda maleeshiyada ahna laga dhaawac laba qof,ma jiro wax khasaare dhimasho ah oo ilaa hadda la xaqiijiyey,iyadoo ay xusid mudan tahay in ay hadda xaaladu degan tahay,isla markaana ay nabdoontahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...