Digniin: Waxaan u sheegayaa taageerayaasha Xisbigga UCID ay beryahan soo baxeen yaryar aan wax awood sharci, iyo mid xisbi u lahayn in ay yidhaahdaan xisbigga cid baanu ka saarnay ay soo baxeen oo ay nasiib daro kuwii websiteka gacanta ku hayeyna ay qalad u soo geliyeen. Taasi hore ayuu Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbigga Mr. Xasan Sabce hore uga sheegay warbaahinta in ay bilaa sharci yihiin, taasina waa carqaladaha lagu doonayo in Xisbigga lagu minjo xaabiyo in dad weji iska dhigaaya xisbigga ay dano gaar ahaaneed wadaan oo meelo kale looga soo yeedhinaayo burburka xisbigga. Inshallah dhawaan ayaa talaabo laga qaadi doonaa maadaama dacwad layskula jiro; cid awood leh in ay cid kale erido Xisbi qaran ma jirto intay waraaq yar meel ku soo qorto ee ka bogsadda; waxaanan halkan ka hanbalyeeynayaa xafladda London lagu qaban doono iyo maamulka halkaasi lagu soo dhisi doono ee uu hormoodka ka yahay mudane Cabdi Cali Qawdhan. Xisbigga dadka waa logu yeedhaa ee weligay maan arag dad yidhaahda Xisbi ayaanu cid ka erinay kuwan ka hortow oo iyagaaba isku markhaati furaaya. Cidna ma eryi karaan ee waxba dheg jalaq haw siinina ee maamuladda magaalooyinka waxa laga soo dhisaa magaalooyinka laftigooda ee cidi meel kale ugama yeedhiso waana sida xisbiyaddu yihiin. Xisbigga UCID runtii Waxa ay doonayaan inay lugta qabtaan; inshallah waanu ka nadiifin doonaa xisbigga ee u samra halganka ayeey ka mid tahaye. Intaasina hawlahiina qurbaha magaalooyinka sidooda u wata waananu idinku bogaadinaynaa hawsha balaadhan ee aad xisbigga u haysaan. Ilaahay kheyr haydin siiyo.
Somaliland: Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Guddigga Anshaxa Ee Xisbigga UCID Oo Masuuliyiin Badan Xisbigga Ka Caydhisay
Date: