Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco oo maanta iskugu yimi Kal-Fadhi aan caadi ahayn, oo aanay badiba goob joog ka ahayn xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa waxa kalfadhigani lagaga hadlayay goob dhuleed ay maamulak Dawlada Hoose burco damacsan yihiin inay iibinayaan oo ku taala badhtama suuqa wayn ee magaladda gar ahaan agaagarka hotel Deero ee magalada Burco.
Waxaana kalfadhigan markii xogaa socda markiiba ka dhashay Muran, buuq iyo sawaxan kaasi oo sababay in xildhibaanadu ay u qayb samaan laba dhinac .
Waxaana xildhibaanada qaar ay diidanayaan In la iibiyo dhulkaas halka kuwo kalena ay doonayeen in la iibiyo, waxaana Xildhibanada qaarkood maleegayeen qorshe ah inay badka soo dhigaan mooshin ay xilka kaga qaadayaan maayarka magaalada buroc al-ustaad Maxamed Yusuf Cabdiraxmaan Muraad iyo ku xigenkiisa mudane Muxumad Xasan Xoday.
Waxaana kalfadhigan maanta ay xildhibaanadu noqdeen kuwo ku kala aragti duwan iyada oo isla goobtaasina ay isku afdhaafeen laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka burco kaasi oo sababay inuu dhex maro dagaal gacan ka hadal ah.
labadan xildhibaan ee gacan ka hadalku dhex maray ayaa kale ah xildhibaan khadar Nuux Saciid iyo Xildhibaan Shiine Faliidh iyada oo isla goobtaasi lagu kala qabtay.
Kalfadhigani aan caadiga ahayn ee ay yeeshan xildhibanadan Golaha deegaanka degmada burco ayaa ku soo dhamaaday natiijo la,aan taas oo fajac iyo amakaag ku noqotay bulsho Fara Badan oo ku sugnaa Hoolka Shirarka ee Dawlada Hoose oo usoo diyaar gawoobay dhagaysiga kalfadhigan oo ku suntana mooshin xilka lagaga qaadayo maayirka burco iyo ku xigeenkiisa oo isku badalay muran dhul.
Bulshada magaalada buroc ayaa iyagu wali garanayn sababta kalfadhigani uu iskugu badal buuq iyo sawaxan iygaa oo xildhibaanadu ku kala dareeray kalfadhigaasi.