Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxaa uu ka hadley dhalinyartii dhawaan ku leedey Badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga .
Suldaanka ayaa waxaa uu sheegay in ay dhalinyarada ku kaliftey in ay Badda isku guraan xukuumada Somaliland oo u cadaalada sameyn kari weyday waxaana uu u soo jeediyey dhalinyarta hadii ay tahriib ka fursan waayaan in inta aanay tahriibin in ay dabaasha sii bartaan waxaana uu yidhi
” Hadii laga fursan waayo tahriibka waa in ay dadku dabaasha bartaan nin aan dabaal aqoon tahriib ka bixi maayo , waxaasna waxaa ku kalifey waa d shaqada dawlada qaabka loo bixiyo ma fiicna wax la aqbali karna ma aha , wasiir waliba waxaa uu iska wataa dad ehelkiisii ah Somaliland na wax bay wada leedahay ee ma kala laha .
Dhalinyaradaas tahriibka ku dhimaneysa wasiirada ayaa ku kalifay oo shaqadii soo baxda uma ogola oo waa in uu xigto u eega waxaa dhalinyaradaas tahriibka ku kalifaya waxa xukuumada ” ayuu yidhi Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Sul. Maxamed Sul.Cabdiqaadir .