Diyaarad dagaal oo Ruushku lee yahay iyo Diyaarad kale oo nooca wax basaasa ah oo Maraykanku lee yahay ayaa khatar u galay in ay isku dhacaan, sida Maraykanku sheegay.
Diyaaradaha Ruushka ee Su-27 oo dhoolatus ku samaynaya hawada Moskow 2015 EPA/MAXIM SHIPENKOV
Warbixin kale oo xarunta Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon soo saartey ayaa lagu sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushka lee yahay ay ku dhici lahayd diyaarad kale oo nooca wax basaasa ah oo Maraykanku lee yahay taas oo ku duuleysey Badda Baltic Sea.
Maraykanka ayaa yiri duuliyaha Ruushanku wuxuu sameeyey khatar aad u weyn duulimaadkiisuna waxa uu ku dhisnaa ‘Aqoon-darro’, Labada diyaaradood ayaa isu jirsadey wax ka yar 50 feet ama 15 mitir.
Waxaa jawaab deg-deg ah ka bixiyey eedeyntaas maamulka Moscow waxayna sheegeen in diyaaradda Maraykanku ay ku socotey xawaare aad us areeya ayna si weyn ugu soo dhawaatey hawada Ruushanka, waxaan ku khasabney in ay dib u laabato ayaa lagu yiri qoraalka Ruushka.
Laura Seal oo u hadashey Pentagon-ka ayaa sheegtey in diyaaradoodu ay ku duuleysey hawada caalamiga ah, mana ku socon mana gelin hawada Ruushka.
Bilowgii todobaadkan ayaa Markab dagaal oo Maraykanku lee yahay magiciisuna yahay USS Donald Cook waxaa khal-khal geliyey diyaaradaha Ruushanka ee SU-27 kuwaas oo aad ugu soo dhawaadey biyaha baddana ku kiciyey.
Markabka dagaalka ee Maraykanka leeyahay ayaa kasoo shiraacday dekad ku taal Waqooyiga dalka Poland wuxuuna marayey meel u dhaw xaduuda u dhaxeysa Poland iyo Ruushka. Markabkan ayaa ka qeyb qaadanayey dhoolatus ay si wadajir ah u sameenayeen ciidamada bada ee Poland iyo Maraykanka.
Inta badan dalalka dhaca Badda Baltic Sea ee horey uga tirsanaan jirey Midowgii Sofiyeeytiga USSR ayaa hadda ka tirsan Gaashaanbuurta NATO, waxaana Ruushku aaminsan yahay in joogitaanka Maraykanka ee Baltikaanku ayba khalad tahay.
Dowlada Maraykanka ayaa cambaareysay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo dul maray maraakiibtooda dagaalka arrintaasi oo ay sheegeen inay dhalin kartay khatar iyo isku dhac dagaal.
Maraykanka ayaa ku tilmaamay diyaaradaha Ruushka oo noocoodu ahaa Sukhoi Su-24 ay si aad ah ugu soo dhawaadeen maraakiibtooda dagaalka, iyagoo sidoo kale diiday inay dhageystaan digniinta ciidamada Maraykanka ay u dirayeen duuliyayaasha Ruushka.
Markabka dagaalka ee Maraykanka leeyahay ayaa kasoo shiraacday dekad ku taal Waqooyiga dalka Poland wuxuuna marayey meel u dhaw xaduuda u dhaxeysa Poland iyo Ruushka. Markabkan ayaa ka qeyb qaadanayey dhoolatus ay si wadajir ah u sameenayeen ciidamada bada ee Poland iyo Maraykanka.
Poland ayaa kamid ah dalalka jaarka la ah Ruushka oo ay xiisad siyaasadeed ka dhex taagan tahay.
Dhinaca dowlada Ruushka oo ka jawaabtay eedeynta Ruushka ayaa sheegtay inaysan wax sharci ah aysan jabin duuliyayaasha diyaaradahooda dagaalka.
Warsaxaafadeed maanta oo Khamiis ah kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushka ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda sameenayeen duulimaad sharci ah, isla markaana dul marayeen biyaha caalamiga ah ee u dhaw xaduuda dalka Ruushka.