Somaliland: UCID Oo Ka Jawaabay Talo WADDANI U Soo Jeediyey

Date:

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), ayaa jawaab ka bixiyey talo uu u soo jeediyey Afhayeenka Xisbiga Waddani, oo ahayd in xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay khilaafyada ka dhex jira soo af jaraan, iyaga oo xalka u maraya sharciga u yaalla. Waxa se uu intaas ku daray in xildhibaan Buubaa iyo xildhibaanno kale oo xisbiga UCID ku soo baxay xilligii doorashada balse markii dambe WADDANI ka mid noqday ay sifo sharci darro ah ku fadhiyaan kuraasta.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isaga oo arrintaas ka hadlaya yidhi

“Xisbiga WADDANI, gaar ahaan Afhayeenka Xisbiga WADDANI, waan uga mahadnaqayaa marka hore talada uu noo soo jeediiyey ee ahayd in aanu khilaafkayga dhamaysanno, oo aanu raacno Sharciga Xisbiga, balse waxa aan leeyahay adiga iyo Xildhibaano badan oo kale oo ka tirsanaa Xisbiga UCID ma raacdeen oo ma ku dhaqanteen sharciga, maxa yeelay waxaa cad inay jiraan Xildhibaano badan oo ka mid ahaa Xisbiga UCID inay Xisbigii ka baxeen, kuna biireen Xisbi kale, iyaga oo sameeystay xeer u gaar ah, oo aan sharci ahayn, sharciguna waxa uu dhigayaa haddii uu Xildhibaan ka baxo Xisbi uu ku jiray wuu iska casilayaa oo uu bannaynayaa kursigii madaama kursiga uu ku fadhiyo uu leeyahay Xisbi, markaas wuxuu waajibku ahaa in Xildhibaadii ka tirsanaa UCID ee ka tagay inay kursiga baneeyaan, si uu Xisbigu u qaato, markaas maaha in qof isagii sharcigii xisbiga jebiyey uu wax naga sheego”

Dhinaca kalana  afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Mudane Shabbaash oo ka hadlayey, wareegtada uu madaxweyne Siilaanyo dhowaan ku soo saaray dhimista Miisaaniyadda oo ahayd qodob kale oo uu waraysigaas gaarka ahaa ee Khamiistii uu Geeska Afrika baahiyey kaga hadlay, guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiillada oo isla markaana ah afhayeen waddani.

Mudane Shabbaash waxa uu yidhi,

“Miisaaniyadda is-bedelka lagu sameeyey ee ay Xukuumaddani leedahay Abaaraha dartood ayaanu u jarnay kharashka ee uu Madaxweynuhu go’aanka ka soo saaray, haddii siddeeda loogu dhaqmo oo daacad laga yahay waa caadi, haddii kale oo ay khiyaamo ku jirtana ILLAAHAY baa arkaya oo aanay waxba ka qarsoonayn lana xisaabtami doona”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...