Gudoomiyaha saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa uu eedo kulul u jeediyay guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana wuxuu sheegay in guddoomiyaha xisbigaasi wado qorshe uu ku burburinayo xisbiga Ucid.
Gudoomiye Cali Guray wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshaddu kuwadda xidhiidho ee Faceboog, Qoraalkan ayaa u dhignaa sidan;-
“Muuse wuu shaqaynayaa, laakiin isagu ma shaqaysanayo dheh, tolow keebuu u shaqaynayaa labada kale ee xaasilka isku ridanaya. Waxan uu samaynayo oo dhan wuxu inoo sheegayaa waar nin la doorto anigu ma ihiye hooy jooga oo ha isku kay dooranina haddii kale ha dhow codkiina ha qoomamaynina markaan xidho dhoolahaygii iyo dabadi dheerayd een godadka yaahuuda idinku wada guro ilayn waa i doorateene.
Imika dagaalku waa intaa uu sheegay Muj. Xuseen Axmed Caydiid oo masuul xogogaala ihi. KULMIYE, UCID IYO SULDAANKA SUBEER AWAL. Suldaanka dadkiisii uu Suldaanka u ahaa baa oogsaday mar qudha oo barqo la kacay isaga iyo intii kula jirtay shirqoolka.
Kulmiye wuu burburiyay,UCID-na hadaa la isku jiraa. Ama wuu na burburin ama isaga iyo intuu wato ayaanu burburin haduu joogi waayo oo faraha nagala bixi waayo”ayuu yidhi Cali Guray