Somaliland: Xukuumadda iyo Guddida Abaaraha oo raadinaya bakhaaro ay mucaawinooyinka ku kaydiyaan

Date:

Xukuumadda Somaliland iyo guddida Abaaraha ayaa Dalka dhan ka la’ bakhaar ay dhigaan Deeqaha Raashinka ah ee Dadka abaaruhu ku dhufteen loo dhigo mucaawinooyinka raashinka ah ee loogu soo deeqo.

bakhaaraddii xukuumaddu lahayd ayaa gabi ahaanba la boobay, waxaanay taasi keentay in xukuumaddu Somaliland aanay lahayn meel u banaan oo ay sahay ama Gurmad dhigato, iyadoo lagu baraarugo oo kaliya marka ay duruufaha Abaaruhu yimaadaan.

ilo wareed u dhuun daloola guddida Abaaraha iyo Xukuumadda ayaa sheegaya inay la’yihiin meel ay ku kaydiyaan ama si ku meel gaadh ah u dhigtaan mucaawinooyinkii ay u heleen dadka abaaruhu ku dhufteen intay gaadhsiinayaan, waxaanay Hay’adda WFP weydiisteen Taandho weyn oo ay u dhisaan Raashinadaasi.

Illaa hada hay’adda WFP kamay soo jawaabin codsiga xukuumadda Somaliland, hase yeeshee ayaan darada ka sii daran in WFP la weydiisto Taandho waxay tahay iyada oo aanay xukuumaddu haynin dhulkii ay ka dhisi lahayd Taandhadaasi, waxaanay guddida iyo xukuumaddu shalay qorshaynayeen inay baneeyaan Kastamka Dhexe ee Hargeysa dhexdiisa, halkaas oo ay yaalaan gawaadhi ay dad leeyihiin oo u yaala cashuuro, kuwaas oo la sheegay wasiirka Maaliyaddu inay amartay in laga saaro xayndaabka Kastamka.

sanadkii hore markii ay abaaruhu dhaceen ayey sidan oo kale usoo baxday fadeexada ah in aanay xukuumadda Somaliland lahayn bakhaaro ay wax ku Kaydsato, taasoo sababtay in la dhaco Raashinkii mucaawinada ahaa, iyadoo markii danbe la dhigay xarunta Manaahijta iyo wasaaradda Dibu-dajinta, kadib markii ay ka fursan weyday, iyadoo xilligaas na ay maaraysay wasiir Samsam oo ahayd wasiirka Waxbarashada, halka ay imikana Kastamkii ay maamulaysay dani ku kaliftay inay ku xarayso Mucaawinooyinkaas kadib markii la waayey bakhaar ay xukuumaddu maamusho.

hay’adda WFP ayaa kiraysatay bakhaaradda waaweyn ee ku dhaw Maxkamadda Gobolka Hargeysa, halka Xukuumaddii lahayd na ay ka meehanabayso, iyadoo Kaydka raashinka ah ee ay WFP ku haysato bakhaaradaas aanay kiish kaliya ka siinin dadka abaauruhu ku dhufteen, halka ay ka ahayd xukuumaddu inay amar kaga qaado mucaawinadaas maadaama Dadka Reer Somaliland marka horeba loogu soo talogalay.

waxa muuqata Somaliland shan iyo labaatan sano kadib inaanay lahayn qorshe ay abaaro kaga hortagto ama ay kaga gaashaamato iska daayoo inaanay xataa awoodi karin inay ku hamido meel ay wax dhigato.

bakhaaraddii kale ee ay xukuumaddu ku lahayd goboladda Dalka ayaa gabi ahaantood ba ay haystaan dad shicib ahi, halka qaarkoodna ay ka iibiyeen ganacsada qaarkood dad shicib ah oo boobay hantidii qaranku lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...