khilafkii ka dhex aloosnaa muasiilyiinta xisbiga UCID gaar ahaana musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cal Xuseen ito gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya iyada oo ay masuuliyiintu warbaahinta isku marinayaan eedaymo kulul.
Waxaana iyaduna maalmihii u danbe isa soo tarayay xil kaqaadis lagu sameeyey masuuliyiin badan oo ka tirsan xisbiga UCID oo iyagu taageersanaa musharaxa madaxwayne ee xisbiga.
Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga UCID oo aan manta wax ka waydiinay xilliga rasmiga ah ee ay ka dhabayn doonaan go’aankoodi ahaa inay maxkamad gayn doonaan xisbiga yaa waxa uu ka dhawaajiyay inay sida ugu dhakhsaha badan u gayn doonaan maxkamada waxaana uu yidhi
“Maalmaha soo socda waan gayn doonaa maxkamada dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe waayo dee xisbigu xeer iyo qawaaniin ayuu leeyahay kumana uu dhaqmin laakin maxkamada ayaa nakala saari doonta faysal-na waa markii labaad ee maxkamad lasoo taago aniga musharaxnimadayda gole dhexe ayaa laygu doortay sharcina wan u leeyahay inaan tartamo arinkana waxaan u arkaa mid daba laga wado ”sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen
Sidoo kalena musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID waxa uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey in losoo adeegsanayo burburka iyo tafaraaruqa xisbiga UCID, isaga oo dhanka kalena sheegay in warsaxaafadeedka kasoo kala baxay xisbiyada UCID iyo KULMIYE ee xilalka lagaga qaaday masuuliyiin ku jira xisbiyada meel lagu soo wada abaabulay.
Ugu danbayntii waxaan ila hada la garanayn halka uu sal dhigan doono khilaafka ka dhex aloosan xisbiga UCID ee maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya.