Macalinka ree talyaani ee Antonio Conte ayaa lagi wargeliyay in Eden Hazard uu ku lug lahaa ama uu abaanduule ka ahaa koox ciyaartooy ah oo meesha ka saartay macalinkii hore ee kooxdaas ee Jose Mourinho oo kooxda laga ceyriyay kadib markii ay kooxdii horyaalka daafacaneysay ee Chelsea ay musiibo ku habsatau bilowgii xili ciyaareedkaan.
Kooxda ciyaartooyda ah ee la sheegay iney qiyaaneen Mourinho ayaa waxaa kamid ahaa Eden Hazard kaasoo sidoo kale ku guuldareystay inuu joogteeyo qaab ciyaareedkiisii argagaxa galin jiray daafacyada taasoo ay u dheertahay inuu mu celceliyo inuu doonayo ka tagitaanka Chelsea.
Conte ayaa u sheegay maamulka suuqa ee Chelsea in la iibiyo Eden lacagta laga helana lagu soo iibiyo hal xidig oo khad dhexe ah iyo hal daafac dhexe sidoo kale wuxuu sidoo kale u sheegay iney aqbalaan heshiis is dhaafsi ah oo ay ku helayaan xidiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee James Rodriguez.
Chelsea ayaa aaminsan inuu hoos u dhacay qiimaha ay ku iibin karaan Eden Hazard oo ay hore ugu qiimeyn jireen lacag dhan £80 milyan oo pound waxayna u qabaan iney faa’iido qabaan hadii ay helaan £50 milyan oo pound.