Somaliland: Dhalinyarada Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa Oo Qadar Lacaga Oo Dhan $10.490 Iyo 5000slsh Ku Wareejiyay Gudida Abaaraha Heer Qaran

Date:

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta rugta ganacsiga ee Caasimada Hargeysa  ayey ujeedadiisu ahayd sidii   qaadhaan lacageed oo dhan$10.490 iyo 5000slsh. (toban kun afar boqol iyo sagaashan  dollar iyo shan kun oo shilling  ay dhalinyaro firfircoon oo dareen dalnimo  iyo damqasho umadnimo ku jirto ugu wareejin lahayeen guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha

Haddaba, warbixinta kulankan oo markii uu soo idlaaday nuqul kamida nasoo gaadhsiiyey Xoghayaha guud ee  Golaha Wasiirada JSL ahna  Guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha Mud. Sharmaake Axmed Muxumed Geelle  ayaa u dhignayd sidan:

Waxay ahayd maanta kaidb markii Xubno aad u firfircoon oo ka mida dhalinyarada ku dhaqan magaalada Hargaysa ay qayb wayn  ka qaateen gurmadka iyo  qaadhaan ururinta loogu tala galay abaaraha baahsan ee dalka ka jira,  dhalintan oo ahayd  kuwo iskood isku abaabulay ayaa lacag kasoo ururiyey dhalinyarada ku nool magaalada Hargaysa si ay u muujiyaan cududa iyo caqliga dhalinyarad dalka isla markaana  ay qaybtooda uga qaataan taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen,

Dhalinyartani oo isugu jira rag iyo dumar ayaa  howsha qaadhaan ururinta in mudo ahba waday waxaanay munaasabad bilan ku qabteen xarunta hotelka Maansoor 26.03.2016 halkaas oo ay ku ururiyeen deeq tiro badan isla markaana ay abuureen dareen umadnimo oo ku dhisan isku naxariisasho iyo wax wada qaybsi waxaana  xusid iyo amaan mudan in Mulkiilaha Hotelka Maansoor uu  habeenkaas qaadhaan ururinta lacag la’aan uga dhigay dhalinyarada

Hadddaba,  dhalinyarada oo maanta soo wakiishay xubno ay kamid yihin Sahra Kiin, Saddam Carab, Xamse Cumar-ku-joog, Dr Farax, Xamda Maxamed Xuseen yo Hoodo Ayaan Suldaan Faarax  ayey  gudida abaaraha ee heer qaran  soo gaadhsiiyeen lacag qadar keedu dhan yahay  $10.400 iyo  5000 slsh. (toban kun afar boqol oo dollar iyo shan kun oo shilling ) kuwaasi oo dhaliyaradii laga soo ururiyey ay ugu tala galeen taakulaynta abaaraha,

Saddaam Carab iyo Sahrka Kiin oo ku hadlayey afka dhalinyarada qaadhaanka hurtay  ayaa dareenkooda cabiray iyo  sida ay ugu faraxsan yihiin in ay muujiyaan cudduda dhalinyarada iyagoo xusay in awooda dhalinyaradu tahay  mid dihin oo dareen badan sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in arintani soo noolayn doonto dareenkii umadnimo iyo waajibkii qaranimo, waxaanay duco iyo amaan u  jeediyeen dhalinyaradii tirada badnayd ee hantidooda ku aaminay una wakiishay in ay qaadhaankaas ku wareejiyeen guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha

Gudida abaaaraha ee heer qaran ayaa aad ugu mahadnaqay dhalinyaradan reer Hargaysa ee sida wayn ugu qayb qaatey hawsha qaadhaan ururinta ee abaaraha dalka ka jira, waxaanay xuseen qiimaha iscaawintu ku leedahay diinteena suuban iyagoo tilmaamay in arintan ay maanta sameeyeen dhalinyaradu rajo badan ku abuurtay.

Waxaa xusid iyo xasuus mudan in talaabadani dhalinyaradu qaadeen abuurtay jawi iscaawin iyo garabsi ah isla markaana ay iftiin ka shiday guud ahaanba gobolada dalka oo gobol walba dhankiisa u xusul duuban yahay sidii uu gargaar iyo garab uga gaysan lahaa abaartan dalka ku habsatay taasoo xoolo iyo xoog tirtay kumanaan kamida shacabka reer Somaliland sidoo kale arintan ayaa  muujinaysa howlkarnimada iyo naxariista damqashada leh ee  ka muuqata da yarta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...