Waxa Uu Sheegay Haddii Ay Ta Faysal Noqoto In Uu Albaabka Ka Bixi Doono
Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee dhawaan Guddoomiyaha xisbiga UCID xilka ka qaaday Mudane Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in uu Maxkamadda u gudbin doono dacwad ka dhan ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo uu kaga dacwoonayo in uu ku xad gudbay xeerka xisbigaasi oo aanu xaq u lahayn in uu xilka kaga qaado taasoo haddii buu yidhi ay maxkamaddu caddayso in uu xaq u leeyahay uu aayar albaabka ka bixi doono haddii kalena uu umadda tusi doono gardarrada Faysal.
Cali Guray oo shalay qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Facebook ee xidhiidhka Bulshada waxa uu sheegay in uu arrinka isaga u gaarka ah ee xilka qaadistiisa uu sharciga la mari doono si uu umadda u tuso in sharciga Xisbigu ka sarreeyo Faysal Cali Waraabe haddii ay ta Faysal noqotana uu isagu aayar dhaafi doono xisbiga balse haddii aanu sharci ka kaxayn aanu uga tagayn Faysal ee uu Faysal bannaanka dhigi doono.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Guddoomiye Faysal haduu xeerka UCID ixtiraami waayo oo uu ku adkaysto inu xilka ka qaaday Guddoomiye ku xigeenkii UCID isaga oon xaq u lahayn waxa markaa qasab ah in aanu sharciga Somaliland ku kala baxno oo aan maxkamadda geeyo anigu dacwad ku saabsan xilka qaadista ka dhanka Xeerka UCID. Haddii go’aanka maxkamaddu noqdo wuu ka qaadi karaa albaabka ayaan ka bixi doonaa. Waxaan kula talinayaa Guddoomiyaha inuu go’aankiisa dib ugu noqdo isaga oo raacaya Xeerka Xisbiga. Haddii uu ka noqon waayo markaa waa qasab in aan qaado tallaabada keliya ee ii furan ee maxkamadda isaga ayaana igu qasbay” ayuu qoraalkaasi kooban ku yidhi Mujaahid Cali Guray.
Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe qoraal uu soo saaray xilkii kaga qaaday Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray, taasi oo keentay in Cali Guray gaashaanka ku dhufto xilka qaadistaasi sheegana in aanu xaq u lahayn Faysal xilkana ka qaadi Karin isaga oo Faysal Cali Guray ku eedeeyey in uu ku xad gudbay qawaaniinta xisbiga balse aragtidu ay ahayd in Cali Guray la saftay Jamaal Cali Xuseen oo ay is hayaan Guddoomiye Faysal.