Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Muj.Cali yuusuf Axmed isla markaana ka mid ahaa mujaahidiinta SNM ayaa waxaa uu ka hadley xus shalay loogu samaayey magaalada Hargeysa uruka SNM.
Muj.Cali Guray ayaa waxaa uu sheegay in SNM ta wakhtigan jirtaa ay tahay mid uu ka shakiyo isla markaana hogaamiyaha ruuxiga ah ee SNM uu yahay muj.Xassan Ciise Jaamac gudoomiyaha oo arintan ka hadlaya waxaa uu yidhi
“Shalay baa layla soo hadley oo la igu yidhi ka soo qeyb gal xafladii ururka SNM oo si weyn sanadkan loo xusaayo aniguna SNM hada waan ka shakiyaa oo nin i odhan kara munaasibad SNM ah ka soo qeyb gal oo aan Xassan Ciise Jaamac aheyn ma jiro waana hogaamiyaha ruuxiga ah ee mujaahidinta SNM .
Waxaa la yidhi shalay waxaa aad loo xusay odeyga weyn ee madaweynaha ah oo mujaahid ahaa aniguna aan u qiraayo in u ahaa gudoomiyihii SNM muddo Shan sano iyo dheeraad ah lakiin aasasayaashi SNM waxaa ahaa Xassan Ciiso Oo Axmed Siilanyo dawladi siyaad Bare ayuu u shaqeynaayey wakhtigaas oo waxuu odhan jiray SNM waa Rer , markii danbana muddo 15 cisho ah aanu baryeynay Axmed Siilanyo oo aanu laheyn waar gudoomiye noo noqo Markaa Xassan Ciise SNM isaga ayaa ku dhaama madaxweyne Siilanyo marka laga hadlaayo SNM ” ayuu yidhi muj.Cali Guray gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID