Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa maanta oo Isniina ku dhaawaqay inuu yahay musharax u taagan madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya doorashada 2016, kadib heshiiskii Garoowe lagu saxiixey.
Dr. Cabdiraxmaan Farole oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in uu ka xunyahay heshiiskaas, laakiin aanu waxba ka qaban karin ayna tahay nasiib darro in dalka dib loogu celiyo nidaamkii faasidka ahaa ee 4.5.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Faroole ayaa sabab u uga dhigay Musharaxnimadiisa sidii uu dalka uga saari lahaa nidaamka 4.5 u gaarsiin lahaa doorasho xalaal ah, horeyna loogu bartey oo uu Puntland ka qabtey.
Madaxweyne Farole ayaa shacabka Somaaliyeed u sheegay inuu yahay musharax 2016, isagoo intaa ku daray in taageero uu ka rabo umadda Soomaaliyeed.
Cabdiraxmaan ayaa xusay in ilaayo intuu siyaasiga ahaa la dirirayey nidaamka 4.5ka, hadalkiisa siduu ku sheegayna uu rajaynayo in haddii uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya 2016 ay dalka ka dhacdo 2020 doorasho hal qof iyo hal cod ah.