Toddobaadkii hore Hotel-ka Maansoor waxa laga furay shir muhiim ah oo ujeedadiisu ahayd in lagu dajiyo siyaasada cusub ee wasaraada waxabrashada JSL sanadaha soo socda.
waxa isugu yimi aqoon-yahano tiro badan iyo xeel dheerayaasha bahda waxbarashada si loo tuujiyo maskaxda gaaxatay ee qaybaha kala duwan ee aqoonyahanada Somaliland. In kasta oo uu shirku socday muddo gaaban oo saddex maalmood ah haddana waxa laga filayaa inay ka soo baxaan tallooyin wax ku ool ah oo lagu hawl galo mustaqbalka. Waa tallaabo fiican oo wasiirka cusub lagu amaani karo iyo cid kasta oo maal ama maskax kaga qayb gashay qabsoomida iyo habsami u socodkii shirka. Hase ahaatee sida caaddada inoo ah shirka lagama ilaalin soo jeedimaha hanfaduhu ku soo dhex tuuro shirarka noocan oo kale ah oo markiiba si deg deg ah loola boodo ama markiiba laga dhigo go’aan rasmi ah.
Haddaba fekrada sida lama filaanka ah madasha loogu soo dhex tuuray waxa ka mid ahaa in dugsiyada hoose/ dhexe af-soomaali wax lagu baro; kama soo horjeedo in wax lagu barto afka hooyo laakiin waxa ka horreeya in la sameeyo daraasad cilmiyeysan si loo ogaado suurto galinimada iyo saamaynta isbadalku la iman karo iyada oo laga eegayo dhincyo badan sida dhaqaalaha ku bixi kara, agabka kala duwan ee waxabrashada, macalimiinta, iyo psychology-ahaan u diyaar-garawga marxalada kala guurka.
Dhanka kale dooda aqoonyahanada qaarkood waxa ka mid ahaa in luuqadaha ajanabigu ku adagtay carruurta Somaliland, waxase aragtidaa beeninaya cilmi baadhis casri ah oo lagu ogaaday in ardayda yaryar ee dugsiyada hoose/dhexe ay si fudud u baran karaan 5-6 luqadood. Khubarada cilmi baadhistan sameeyey waxay tusaale u soo qaateen carruurta waddamada ururka reer Yurub (EU-da) oo loo yaqaano “Euro kids” kuwaas oo si la yaab leh u barta afafka inta badan dalalka xubnaha ka ah EU-da oo leh xuduudo isku furan oo si xor ah layskaga gudbo .
Haddaba carruurteenu kama garaad hoosayso kuwa reer Yurub sidaa daraadeed waxay wax ku baran karaan luqado tiro badan oo ajanabi ah; isla markaa ardayda afka Soomaaliga wax ku barta kama aqoon fiicna kuwa afka Carabiga ama Ingiriisiga wax ku dhigta sida dadka qaarkood qabaan. Geesta kale afka Soomaaliga waxa la qoray dhawaan, waxa loo qoray si qarbo-qarbo ah isaga oo wali taabo gelina wuxuu la burburay dawladii Soomaaliya sidaas awgeed afka Soomaaligu ma gaadhin mana gaadhsiisna heer la saxar tiray oo gundhig looga dhigi karo waxbarashada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta qaranku waxay dadweynaha isku tusaan inay yihiin rag iyo dumar waddaniyadu biyo dhigatay markaas ayey soo saaraan go’aamo xagjir ah oo lagu jabo oo dalka waxyeelo u keeni kara ama khilaaf abuuri kara, halkaa kuma eekaadaan waxaad arkaysaa haddana iyaga oo qaranimadii ka tagay oo u ololayna qabiil. Marka diinta laga hadlayo dhamaanteen waxaynu nahay culimo seef la bood ah, marka goobta laga soo baxana ma lihin iiman.
Bal u fiirso tusaalahan kale iyo doodaha lagu gorfeeyo xaqiijinta qadiyada madax bannaanida Somaliland iyo xamaasada ka muuqata iyo haddana sida ay madaxdu aanay ugu heelanayn; si kale haddii loo dhigo waddaniyadeenu waa dhallanteed, diinteenu waa ku muraadso, qaranimadeenuna waa ku meel-gaadh.
Gabogabo: wasiirka iyo madaxda kale ee wasaarada waxaan u soo jeedinayaa in mashruuca gacanta loo taagay ee ah in af-soomaali ardayda wax lagu baro iyo kuwa kasta oo la soo jeediyba aad looga fiirsado ama si wayn looga baarandego ka hor inta aan loo gudbin golaha wasiirada. Mar kale madaxda qaranka waxaan u soo jeedinayaa in aan lagu daalin tayeynta waxbarashada Somaliland haddii aan xaqiiqada la waajihin oo si dhab ah aan loo abaarin duruufaha ku xeeran macalimiinta dugsiyada dawladu maamusho.
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami@gmail.com