Siday Isu Qaban Doontaa Musharraxnimada Faysal Cali Waraabe Iyo Xidhiidhka Saaxiibtinimo Ee Musharraxa KULMIYE?
Xogo laga helayo dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyey ee Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ka samaynayo xaaladda siyaasadeed ee soo food saartay xisbiga UCID ayaa tibaaxay in Guddoomiye Faysal damacsan yahay in uu mar saddexaad isu soo taago doorashada Madaxtinimo ee xilka Madaxweyne ee xisbiga UCID halka uu rabo in uu Musharraxiisa Madaxweyne ku xigeen ka doonayo in ay qaataan siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ilwo Wareedyo ka ag dhaw dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee Guddoomiyaha is bad-badalka badan ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa tibaaxaya in uu qorshayno sidii uu uga takhalusi lahaa Musharraxnimada xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen isna uu uu soo laaban lahaa booskaasi oo uu laba jeer oo hore ku hungoobmay balse halka ilo-wareedyadaasi tibaaxeen in uu dhinaca kale Musharraxa Madaxweyne ku xigeen u qaadan doono siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool.
Illaa imika laga oga halka uu sal dhigan doono khilaafka cusub ee ka soo cusboonaaday xisbiga UCID iyo waliba illaa xad heerka uu gaadhsiisan yahay damacaasi la sheegay in uu hayo Guddoomiyaha xisbiga UCID maadaama la xaqiijiyey xidhiidhka hoose ee uu la leeyahay xukuumadda iyo musharaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iyo sida ay isu qaban doonto labadaasi qorshe ee ah damaciisa Musharraxnimo iyo saaxiibtinimada xukuumaddii iyo xisbigii KULMIYE ee uu la tartami lahaa ee uu Mucaaridka ku ahaa.
Dhinaca kale waxa aan la ogayn saamaynta uu Fal-celinta Jamaal Cali Xuseen xisbiga ku keeni doonto iyada oo la filayo in Jamaal si rasmi ah garsoorka ugu gudbin doono dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha UCID. Isku soo wada duuboo mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga UCID ayaan la ogayn halak uu ku dambayn doono iyada oo la filayo in khilaafkaasi xisbiga ku keeni doono heer ugu yaraan uu kaga baaqsado doorashooyinka soo socda oo haddii ay dhacdo keeni doonta burburkiisa.