Somaliland: Mudanayaasha Guurtida Oo Dalbaday In Golaha Loogu Yeedho Masuuliyiin Wasiiradda Maaliyaddu ka Mid Tahay

Date:

Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Shalay Meel-mariyey Ajandaha Kal-fadhigoodii 59-aad ee Golahaasi ku shaqeynayo inta Kalfadhigani socdo.

Fadhigii Shalay ee Golaha Guurtida oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan isla-markaana ay ka soo xaadireen 57 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee Golahaasi ka kooban yahay, ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyey Ajandaha kal-fadhiga 59-aad.

Ajandaha Kal-fadhiga 59-aad waxa Ogolaaday in la ansixiyo 55 Mudane, halka uu ka aamusay Hal Mudane, Mudane Diiday ma jirin, Guddoomiyuhuna ma codeynin, waxaana sidaa ku ansaxay Ajandaha Kalfadhigooda.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland qaarkood oo Ansixinta Ajandahaasi ka dib halkaasi ka hadlay, ayaa soo jeediyay in  Golaha loogu yeedho Masuuliyiinta ay ka mid yihiin Taliyaha Booliiska Somaliland Cabdilaahi Fadal Imaan, Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe. Masuuliyiintan ayay Mudanayaashu doonayaan in wax laga waydiiyo Shaqada ay Qaranka u hayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...