Somaliland: “Diiwaangalinta Waxaa Masuuliyadeeda Leh Komishanka Doorashooyinka, Marka Komishankii Hadalka Loo Diido Ma KULMIYE Iyo Dad Dano Gaar Ah Leh Ayaa Dalka U Talin Doona” Uur Cadde

Date:

Xisbiga WADDANI Oo Sheegay Inay Xukuumaddu Ujeedooyin Qarsoon Ka Leedahay Hakadka La Galiyey Diiwaangalinta Codbixiyayaasha

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sababeeyey diidmadii uu kaga jawaabay hakinta diiwaangalinta codbixiyayaasha oo ay isla qaateen labada xisbi ee kale iyo xukuumaddu Sidoo kalena waxa uu xisbigu jawaab ka bixiyey hadalo kasoo yeedhay labada gudoomiye ee xisbiga UCID iyo KULMIYE.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Maxamed Cabdillaahi Uur Cadde oo ugu horeyn shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumaddu ujeedooyin qarsoon ka leedahay dib u dhigista diiwaangalinta, waxaana uu ku macneeyey inay damacsan tahay qorshe khariiradda doorashada lagag saarayo gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waa sida uu hadalka u dhigaye, mar uu arrinkaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi:

“In diiwaangalinta gobolada bariga la geeyo rag xukumadda ka tirsan oo wasiiro ah ayaa lugta haya oo diidan in la geeyo, ilaa hada xagii madaxwyane Riyaale kaga tagay hal tako waxaan ahay ciidamada qaranka laguma darin, diyaarna looma aha In lagu daro waxaana la doonayaa si Somaliland loo kala qaybiyo gobolada Sool iyo Sanaag-na aanay diiwaangalini ka dhicin Buuhoodle-na hore ayaa looga saaray”Sidaas ayuu yidhi Mudane Uur Cadde.

Mudane Uur Cadde xoghayaha guud ee xisbiga WADANI isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“Hawshan awoodeeda iyo masuuliyadeeda ay Somaliland u igmatay komishanka qaranka, markii komishanka qaranka hadalkii loo diido ma KULMIYE iyo dad dano gaara leh ayaa u talinaya Somaliland,gobolka AWDAL abaarta ka dhacaysa Sool iyo sanag toona kama dhacayso waxa manta loo joojiyaana waa ujeedo fog, waxaan aqbalynana maaha, gudoomiyayaasha UCID iyo KULMIYE waxaan leenahay idin aflagaadayn maynee xisbiyadiina ku eekaada oo wax u qabta oo xisbiyada kale wax haka sheegina”Sidaas ayuu yidhi Mudane Uur Cadde.

Dhanka kalena waxay masuuliyiintani shaaca ka qaadeen in guddoomiye Cirro aanu ka mawqif ahayn xisbigiisa balse uu la mawqif yahay isla markaana aanu marnaba yeelayn in ay dib u dhacdo diiwaangalinta codbixiyayaashu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...