Dawladda aynu jaarka nahay ee Somaliya , ayaa ku dhawaaqday in ay gurmad dhinaca abaaraha u fidinayso dadka tabaaleysan ee abaarahu ku hala-keeyeen deegaanada gobalka Awdal ee jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay gurmad deg dag ah oo aan daahin ay la soo gaadhayaan dadkaas ay abaarahu saameeyeen.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dawladda Somaliya Md.Maxamed Xayir Mareeye oo warbaahinta la hadlay ka dib kulan ay dawlada Somaliya iyo ganacsatadeedu arrintan ka yeesheen, ayaa sheegay in ay ku go’aamiyeen in sida ugu dhakhsaha badan ay dadka walaalahooda ah ugala qeyb-qaataan gurmadka abaaraha.
“Halkan waxa iskugu yimi guddiga gurmadka abaaraha ee Dawladda Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatada Soomaaliya, waxaana uu ahaa kulan lagaga tashanaayey duruufaha dalkan ka jira ee dhinacyada abaaraha iyo halka uu xaal maraayo. Runtii meelo badan oo dalka ka mid ah waxa ka jira abaaro iyo dhibbaatooyin abaarahu keeneen oo saddex weji leh, wejiga 1aad waxa weeye meel dadkii iyo xoolahiiba ay dhimanayaan oo dhibbaato aad u weyni ay ka jirto, uguna xun tahay ta ka jirta gobalka Awdal, meelaha ku xigana waxa weeye biyo la’aan ayaa jirta oo maadaama oo uu go’ay webigii Shabbeele iyo webigii dalka, meelaha kalena kuleyl ayaa ka jira oo ay ka iman karto dhibbaato taas la mid ah, waxaana aanu marka ka tashanay siddii dadka Soomaaliyeed iyo dadkuba ugu gurman lahaayeen dadkaas Soomaaliyeed ee dhibbaateysan, si fiicana hada meel ayaanu isula dhignay in hada wixii ka dambeeya aanu sameyno gurmad weyn oo aanu ku gaadheyno dhammaanba goballada dalka intii karaan ah sida oo kale waxa aanu go’aansanay in aanu ugu baaqno guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay Illaahay barido in uu dhibbaatada ka saaro.”.Ayuu yidhi Md,Maxamed Xayir Mareye
Md.Maxamed Mareye oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa baaq u diray beesha caalamka, qurba-joogta iyo ganacsatada dawladda Somaliya in ay ka qeyb-qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka abaarahu saameeyeen ee ku nool gobalka Awdal ee jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu yidhi:
“mar labaadna in dhammaanba ganacsato iyo qof qofba aynu inteena gudaha joogta iyo inta dibadda joogtaaba isu gurmano oo siddii dhaqanka innoo ahayd aynu isu gurmano sida oo kalena aanu beesha caalamka iyo hay’adaha aanu ugu baaqno in ay iyaguna gurmadkaas nagala qeyb-qaataan oo gurmad soo daaha oo wakhti badan qaata aanay sameyn oo uu noqdo gurmad deg dega oo xoolaha iyo dadkaba cunto gaadhsiiya noqdo siddii ay u noolaan lahaayeen biyo iyo baadba.”.