Somaliland: Hargeysa: Xabaal Qiiq Ama Dab Ka Baxayo Dhawr Maalmood Oo Argagax Galisay Dadka Iyo Culimo Loogu Qaylo Dhaan Tagay

Date:

“Ma Jirin Wax Qashin Ah Oo Dusheeda Ka Gubanayaa Balse Iyada Ayuunbaa Qiiq Ka Soo Baxayaa” ..Goob Jooge Ka Warramay Xabaashan

Dhacdo la yaab leh oo argagax galisay qaybo ka mid ah bulshada ku dahqan caasimadda Hargeya ayaa shalay lagu arkay gudaha Magaalada Hargeysa. Dhacdadan ayaa ka dhacday goob xabaalo ah oo ay kuu aasan yihiin dad tiro badan ayaa waxa lagu arkay xabaal kamida xabaalaha oo gubaysa qiiqna ka baxayo.

Waxaan dhacdadani ay ka dhacday goob u dhaw jaamacadda Golis ee Magaalada Hargeysa, iyada oo la rabay in xabaalaha laga raro goobtaas ayaa waxa mar kaliya la arkay xaabaasha oo qiiqaysay ama dab ka baxayo taasoo warbaahinta lagu baahiyey muuqaalkeeda oo qiiqaya iyada oo in badani warwar ka muujiyeen.

Qaar kamida bulshada magaalada Hargeysa isla markaana ah dad ka ag dhawaa goobta xabaasha ah ee lagu arkay dhacdadan ayaa waxay noo sheegeen inay xabaashani qiiqaysay ilaa maalintii jimcaha ayna goobtu ahayd goob ay ku yaaleen xabaalo tiro badan isla marka la rabay in laga raro iyada oo mar kaliyana la arkay xabaashan oo qiiqaysa.

Waxaana xabaashan oo ay daawashadeeda safaf usoo galeen bulshadii goobta ay ku yaallaan ka ag dahwayd markiiba lagu soo daad gureeyey ciidamo tiro badan iyada oo ay ciidamaduna ay diideen in la eego ama la dul istaago xabaasha balse muuqaal laga soo duubay lagu baahiyey barta xidhiidhka dadweynaha ee facebook iyada oo aanay jirin wax qashin ah oo xabaasha ka dul gubanayay.

Markii aan gaadhnay goobta ayaa waxa wax ka waydiinay dad iyagu safaf ugu jiray daawashada xabaashan waxaana ay dadkaasi noo sheegeen in hadda loo dooonay culimo.

Dhacdadan ayaa iyadu noqotay mid argagax iyo naxdin badan galisay ddkii gobtaasi ka dhawaa iyada oo illaa shalay ay bulshadu isla dhax qaadaysay hadal haynta xabaasha la arkay iyadoo qiiqaysa ama gubanaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...