Gudoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo manta qayb ka ahaa kulankii ay wada yeesheen madaxwaynaha Somaliland, gudida komishanka qaranka, saddexda xisbi qaran iyo waliba labada gole qaran ayaa iyagu sheegay inay aqbaleen soona dhaweeyeen baaqan ay soo jeediyeen gudida komishanku doorashooyinku ee ku salaysan in dib loo dhigo diiwaangalinta codbixiyayaasha ee ka bilaabmaysay magaalada hargeysa.
Waxaana labadan gudoomiye ay sheegeen in tahay in loo gurmado dadka ay abaaruhu sameyeen ee ku tabaalaysan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay tahay waajib in loo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen , sidoo kalena waxa uu sheegay inay aqbaleen in diiwaangalinta hakad layara galiyo waxaana uu yidhi.
“Saaka waxa noo yeedhay madaxwaynaha, waxa uu nah or keenay codsi kaga yimi shacbiga Somaliland, waa arin naga hore noogu timi oo ah in dadkayagii oo biyo haysan,raashin haysan, hoy haysan, oo ay aduunwaynuhu usoo gurmanayaan in intaan u tagno aan nidhaa kaalaya oo nosoo codeeya damiir xumo ayay noqotay, doorashadu iyadu waa lama taabtaan oo wakhtigeedii ayay dhacaysaa, waanu soo dhawaynaynaa codsigaa madaxwaynaha, awoodeenana waxaan iskugu gaynaynaa in abaaraha bariga ka jirana aan ka hawl galno”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaaan baaqan uga yimi gudida iyo madaxwaynaha ee ah in dib loo dhigo diiwaangalinta waxaana uu yidhi.
“Kulanka aan manta iskugu nimi waxa uu ahaa in layara hakiyo diiwaangalinta sababta loo hakinayaana waxa weeye dadkeenii oo ay abaari haysato, dawlad yar ayaynu nahay dhaqaalaheenu ma buurna uma tag hayn dhaqaale labada hawlood wada waxii aynu hayno waa inaynu dadkaa abaraha iskugu gayno, waan soo dhawaynayaa baaqan uu soo jeediyay madaxwaynaha iyo gudidu waana aqbalnay”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Muuse Bixii Cabdi.
Gabagabadiina waxay labadan masuul mahadnaq usoo jeediyeen gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradk ah ee WADANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro sida fiican ee uu u hadlay waxaana uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in ay markaste ogol yihiin waxii dadka iyo dalkaba u dana balse go’aankaa xisbiga WADANI qaatayna ay kazoo fakarayaan.
Waxaana laysla afgartay in diiwaangalinta dib loo dhigo muddo laba bilood ah intaana gurmad iyo taakulayn loo fidiyo dadka ay abaaruhu ku saameeyeen gobolada iyo degmooyinka dalka.