Somaliland: Jaamac Shabeel: Guddoomiye Ku-xigeenada Labaad Iyo Saddexaad Iyagaa Iska Saaray Xisbiga KULMIYE

Date:

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), ayaa sheegay in guddoomiye Ku-xigeenadda labaad iyo saddexaad ee xisbiga KULMIYE ay  si iskood ah iskaga saareen xisbiga tallada haya ee KULMIYE,waxaanu uga digay haddii ay sheegtaan astaanka xisbiga inay ciqaab mutaysan karaan.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Anigoo tixraacaya qoraalka muranka iyo fadqallalada xanbaarsan ee sumaddiisu tahay KDC/08/012/2006 ee lagu sheegtay garabka Isbahaysiga Dimuqraadiga xisbiga KULMIYE ee ku soo baxay warbaahinta 24/3/2016, kuna saxeexan yihiin labadii Gudoomiye-ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee xisbiga  Maxamed Yusuf Waabeeyo iyo Cabdiraxmaan Talyanle, waxaan mar labaad la socodsiinayaa xisbiyada Qaranka iyo hay’adda sharciga inay labadaa xubnood xayndaabkii sharciyadda xisbiga KULMIYE ay iskood isaga saareen, ugana baxeen xisbiga KULMIYE markay si badheedha, iyagoo adeegsanaya warbaahinta, uga horyimaadeen dastuurka iyo go’aamadii hay’adda Golaha dhexe ee xisbiga, iyagoo go’aamadii golaha Dhexe ee Kal-fadhigii 5aad ee xisbiga ku tilmaamay inay yihiin xaaraan, taasoo ugu filan caddayn inay iskood uga baxeen xisbiga KULMIYE, waxaanay ku xadgudbeen Dastuurka Qoddobadiisa 13aad iyo 9aad xubinta j. waana (FAL GARANTE) qofka lagu qabto isagoo dambiga faraha kula jiraa malaha wax xasaanad ah.

Kala noqoshada xubinimada xisbigana waxa caddaynaya:

  • Dastuurka xisbiga KULMIYE Qodobkiisa 11aad oo tilmaamaya sababaha lagu waayi karo xubinimada xisbiga, xataa haddii aan lagu haynin (FAL GARANTE).
  • Sidoo kale, qodobka 10-aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/ 2 0 1 1, kaas oo sheegaya sababaha lagu waayi karo xubnimada urur ama xisbi qaran.

Sidaa awgeed, waxay xubnahani ku gafeen qodobada xeerka Qaran ee Nimaadka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda iyo Dastuurka xisbiga KULMIYE, iyagoo shirar ka dhan ah shuruucda iyo siyaasadda xisbiga KULMIYE la galay hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI marar kala duwan, lana hayo caddaymahoodii, halka ay sidoo kalena codkooda ku caddeeyeen inay xisbiyadaasi kula jiraan wada hadal, isla markaana ay si gaar ah guddi ugu saareen wada hadalka ay la bilaabeen xisbiga WADDANI.

Mar labaad waxaannu caddaynaynaa inaan wax heshiis ah lagula geli karin haba yaraatee astaanta, calanka iyo magaca xisbiga KULMIYE midna, taasoo haddii ay dhacdo uu ka dhalanayo fal dambiyeed ciqaab lagu mutaysan karo, waayo dalku shuruuc ayuu leeyahay.

Saaxiibadaydii horena waxaan leeyahay xaggee ka webinaysaan sawdinkii ragga cul culus ee miisaanka leh ahaa, maxaa kaga meeraysanaysaan xisbi aad iskaga tagteen magaciisa? Miyaydaan ogayn inay tani salli ku wada fadhido oo aan wax u kala qarsooni jirin oo aan cidna magac layska sheegto aan lagu khaldi karin?

Ugu danbayn, waxaan ugu baaqayaa labada xisbi qaran inaynu wada ilaashano sharciga iyo kala dambaynta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...