Isbaheysiga dumuqraadi doonka xisbiga kulmiye ayaa waxa ay maanta soo sareen war saxaafadeed ay kaga jawaabayan war saxaafaded shalay ka soo baxay xisbiga kulmiye oo lagu sheegay in xubno ka mid ah isbaheysigaas laga saaray xubin nimadii xisbiga iyo gudidii fulinta ee ay ku jireenba waxaana uu war saxaafdeedku u qornaa sidan
Ujeedo: Dedefayn Qoraalka ka soo baxay Garabka Gudoomiyaha Muuse Biixi.
Tixraac Qoraalka sumadiisu tahay XK/XGX/0042185/2016 kuna taariikhaysan 23/03/2016 kana soo baxay xafiiska garabka kulmiye ee Gudoomiye Muuse Biixi ee lagu faafiyay warbaahinta ujeedadiisu ahayd lumin Xil iyo Xubinimo xisbi.
Hadaba shir ay isugu yimaadeen Hogaanka, gudiga fulinta iyo xubnaha golaha dhexe ee garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan :
- In aanay jirin xubin ka tirsan garabka Isbahaysiga Dimoquraadiga Kulmiye oo lumisay xilalkeedii iyo xubinimadeed xisbiga kulmiye.
- In aanu jirin shir loo dhanyahay oo hogaanka iyo gudiga fulinta xisbigu Iskula-qaateen luninta xillalka iyo xubinimada Xisbiga kulmiye.
- In Gudigii Isbahaysiga ee loo magacaabay la xaajoodka siyaasadeed ee xisbiyada ay sidoodii yihiin sharci u diidayaana aanu jirin.
Gebogebadii:-
Qoraalka ka soo baxay xafiiska garabka gudoomiyaha wuxuu muujinaysaa fashilka hogaamineed ee Muuse Biixi oo xaaladiisu wakhtigan marayso “neef la gawracay geedo kama waabto” iyadoo xisbigii kulmiye labo garab u kala fadhiyo hadana u tafaxaytay Xasarado aan kala joogsi lahayn ee ay ugu danbaysay faraglinta Saldalada guunka ah iyo birma-magaydada madax-dhaqameedka.
Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye
Xil. Maxamed X. Yuusuf Waabeeye
Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye
Xil. C/raxman Maxamed Talyanle
waxay aniga ila tahay in aany wanaagsaanin in loo soo deyo kooxdi la baxday isbaheysiga in ay galaan xisbiyada kale.kooxdani waxay ka mid yihin wax ma gartii siilaanyo adeegsan jirey markii ay ku jiran xuukamada siilanyo iyo xisbiiga kulmiyaba. waxaa iska yare wax ay ku soo kordhinmayaan xisbiyada kale oo aan ahayn boosaasa ayuu doonenyaa. nimaanka qarkood waxaa loo tuhusan yahay in ay haysatan xoolhi ummada. xisbiga ay galanna aad iyo aad ayaa looga tashaan doona. xerdii siilaanyo ay ugu jireen ha ku noqdaan.