Eng. Feysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID
“Waa Laga Heshiiyey Accident-kii [Shilkii] Maalintii Dhawayd Dhacay’e Media-yuhu Hanaga Daayeen [Su’aasha] Ay Nagu Dawakhiyeen Ee Ah….”
++++++++++
“Wadamo Badan Oo Adduunka Ahi Waa Inoo Diyaar Inay Inna Ictiraafaan, Laakiin Calanyahoow Ha Dhicin Iyo Tollaayeey Baynu Isku Dhex Wadnaaye, Haddii Qaran La Doonayo Qabyaallada Hala Joojiyo”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe ayaa ka hadlay qoddobo uu sheegay in ay fududaynayso sidii ay bulshada Somaliland aqoonsi caalami ah uga heli lahayd dunida, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ku xidhan tahay wadammada jaarka ah ee ay reer Somaliland dhaqan wadaagta yihiin.
Faysal Cali Waraabe waxaa u is barbar dhigay kaalinta uu hoggaamiyaha wanaagsani ku leeyahay horumarka bulshadiisa iyo dib u dhaca barriinsada ummada uu hoggaamiyaheedu gabo, isaga oo tusaale u soo qaatay horumar uu sheegay in dadka reer Jabuuti gaadheen mudadii nus qarniga ka yarayd ee ay madax banaannaanaayeen, muddadaas oo ay si xasillooni ku dheehan tahay ay xukunka isaga kala dembeeyeen labaa madaxweyne “Jabuuti markii 1967-kii loo bixiyey magaca dhulka canfarta iyo ciisaha [Essa And Anfar Territory], waxaa lagala ordayay Somaliweyn, Maantana Jabuuti waxaa ay ku caano maashay laba hoggaan oo wanaagsan oo ay heshay, Xasan Guuleed [Madaxweynihii u horreeyey ee Djibouti] wuxuu ku guulaystay in ay noqoto wadammada Afrika ee aan inqilaab ka dhicin ee iyadoo midaysan si dimuqraadiyad ah xukunku isu bedello, Soomaaliduna iyada oo isku af ah oo isku diin ah ayay ku guulaysan wayday in ay samaysato dawlad mid ah”.
Sidaa ayuu yidhi Eng. Feysal Cali Waraabe oo Axaddii toddobaadkan khudbad ka jeediyey xaflad lagu daah furayay xafiiska safaarad cusub oo ay dawladda Djibouti ka furatay dalkan Somaliland. Khudbadda Feysal oo inta badan ku dherernayd horumarka dalkaasi Jabuuti ka gaadhay dhinaca nolosha iyo sida ay hoggaammiyeyaashii xukunka u kala dembeeyey ugu dadaaleen in ay ka midho dhaliyaan himillada shacbigooda, waxaa uu is barbar dhig ku sameeyey hammiga bulshada Soomaalida iyo ficilkeeda oo uu hoosta ka xarriiqay in aanay laba is leh ahayn, taasina ugu wacan tahay dib u dhaca ragaadiyey bulshada. “ Umadda waxaa bedella Hogaanka, iyaguna [Jabuuti] hoggaan wanaagsan bay heleen, maantana waad aragtaan oo iyaga iyo Imaaraadka lama kala garto.
Meeliba meesha ay ka hoggaan wanaagsan tahay way ka horumar wanaagsan tahay, markaa waxaan Somaliland leeyahay Jabuuti way ka soo baxday xilkeedii, Itoobiya way ka soo baxday xilkeedii, laakiin xilku innaga ayuu ina saaran yahay, wadamo badan oo adduunka ahina waa inoo diyaar inay inna ictiraafaan, laakiin sidii qoladii heesaysay [waxaa uu u jeedaa fanaanniinta Xiddigaha Geeska oo heeso wadani ah ku soo bandhigay xafladda], inaguna laba kala jaad ah baynu meel isugu geynaynaayoo; Calanyahoow ha dhicin iyo Tollaayeey baynu isku dhex wadnaa, labadaasina meel ma wada galaane, tollaayda iyo qabyaallada ha la joojiyo haddaad doonaysaan qaran in la dhiso. Mida kale innaga arrinteena [qaddiyada aqoonsiga JSL] waa in aynu ka bilownaa waddama IGAD oo aynu Saaxiibo ku yeellano oo aynu Itoobiya iyo Jabuutiba ka dalbanaa in ay gacanta inna qabtaan oo adduunka ay inoola hadlaan oo ay xaqeenna innala soo dhiciyaan. Markaa waxaan leeyahay kubaddu xageenna ayay saaran tahay”.
Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxaa uu ka dhawaajiyey qorshe uu sheegay in uu midho dhal yahay oo uu wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ku gerdaadiyey guddida Ictiraaf raadinta Somaliland oo Feysal Xubin ka yahay kaasoo dhawaan isugu yimi kulankoodii u horreeyey tan iyo intiii madaxweynuhu magacaabay, “ Waxaan aad iyo aad ugu faraxansanahay wasiirka arrimaha dibadu qoladayadii ictiraaf doonka loo bixiyey ee uu shalay la shiray qorshe wanaagsan buu keenay, kaasna waxaanu jecelnahay insha alla inaanu ka midho dhalino oo aanu boodhka ka tunno qaddiyadeennii iyo ictiraafkeennii oo aad moodo in ay beryahan ka xoog badnaatay qabyaallada iyo jaadku. Midna hala ogaado Soomaalidu waa isku af laakiin waa la isa sii kala xigaa; Innaga [Somaliland] iyo Soonaha shanaad [Soomaalida Itoobiya] iyo reer Jabuuti isku mid baynu nahay, mafrishka Jabuuti iyo ka jigjiga iyo ka Hargeysi waa isku jaad, kuwaas Xamar dega iyo NFD-na waa isku miiqo-miiqo oo iyaguna way is xigaan, markaas sidaas bay dadku isu kala xigaan, Oodi ab ka dhaw”.
Ayuu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe hadalkiisa ku ladhay. Gebogabadiina waxaa uu si korka xaadis ah uga hadlay iska hor imaadkii badda Somaliland ku dhex maray ciidammada Jabuuti iyo kuwa Somaliland, iska hor imaadkaas oo uu ku sifeeyey in uu ahaa mid shil ah oo aan kas u dhicin “Aksidhent-kii maalintii dhawayd dhacayna mid yar oo dhacay buu ahaa oo waa laga heshiiyey, Miidhiyuhu [saxaafaddu] sidaas ha ogaadeen oo hana daayeen; [su’aasha ah]ka hadal Feysaloow-da ay nagu dawakhiyeen, taasi way dhamaataye.
Koleyse waxaan leeyahay reer Somaliland baddeena hala daayo maraakiibta aan u naxariisanayn ee ugxanta guranaysa, halaga daayo maraakiibta la saarayo askarta waayo maraakiib ganacsi [commercial] askar lama saaro, waana mamnuuc adduunka nin qori sita oo markab komeershiyaaal ah fuushani’ ayuu khudbadiisa ku soo gunaanaday Eng. Feysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xibsiga mucaaridka ah ee UCID.