Somaliland: Suldaan Xasan Iyo Walaalkii Oo La Sheegay In Ay Qorshe Midaysan Kaga Hortagayaan Caleemo Saarkii Shalay, Kumannaan Qof Oo Subeer Awal Ahna Ku Casuumay Kulan Hargeysa Ka Qabsooma

Date:

Salaadiin, Cuqaal Iyo Siyaasiyiin Reer Berbera Ah Oo Guriga Suldan Xassan Shalay Buux Dhaafiyey Iyo Dareenadda Ku Xeeran Kulamo Shalay Guriga Suldaanka Ka Qabsoomay

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi Suldan Cabdiraxmaan iyo Walaalkiisa Ka Weyn Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sida la sheegay wada gaadhay Qorshe midaysan oo ay ku difaacayaan Saldanada Faca weyn ee Subeyr Awal ee ay iyagu dhaxalkeeda hayaan,waxaana la sheegay in Suldaan Xassan Hargeysa ka wado Kulan balaadhan oo uu ka soo qayb galinayo Guud ahaan Xubno sharafeed ka kala socda beelaha Subeyr Awal ee uu Suldaanka u yahay,kulankaasi oo Jawaab looga dhigay Kulankan shalay Hargeysa ka dhacay.
Sida ay Wargeyska Foore ay u Xaqiijiyeen Qaar ka tirsan Qoyska Saldana Reer Suldaan Cabdilaahi,waxa socda dhaq dhaqaaq xoogan oo ay wadaan Qoyskani oo ay kaga Jawaabayaan Kulankan Shalay Hargeysa ka dhacay ee loogu yeedhay Suldaan Xasan Walaalkii oo wadamada Carabka Jooga,waxaana la sheegay in Dhaq dhaqaaqan aanu ka madhnayn Suldaan Xasan Walaalkii oo ah Suldaan Cabdirisaaq,isagoo sida la sheegay aad uga Xumaaday Talaabada deg deg ah ee weerarka ah ee lagu soo qaaday Kursiga uu ku fadhiisiyay Walaalkii Xassan,waxaana la sheegay in Suldaan Cabdirisaaq doonayo inuu soo diro Hadal muuqaal ah oo uu kalsoonida mar kale ku siinayo Walaalkii Suldaan Xasan inuu Booska Saladanada Guud ee Subeyr Awal sii hayo,iyadoo dhinaca kalena uu ku muujinayo sida ay walaalkii iskugu kalsoon yihiin islamarkaana uu kula garab taagan yahay,kuna qaybsanayo wixii Xag xagasho ah ee Kursiga Ku Soo Gaadha.
Guriga Suldan Xasan ee Magaalada Hargeysa ayaa shalay galinkii dambe illaa Xalay Ceeryoon noqday,waxaa iskugu yimid oo soo buux dhaafiyay dad weyne badan oo Salaadiin,Cuqaal iyo Siyaasiyiin iskugu jira,kuwaasi oo sida la sheegay aad u xamaasadaysnaa dhacdadii Shalay. Waxa sidoo kale Guriga Suldaanka Guud ee Subeyr Awal Suldan Xasan Suldaan Cabdilaahi ku soo qul qulayay Salaadiin iyo Cuqaal ka soo Kicitimay Magaaladda Berbera ee Caasimada Gobolka Saaxil kuwaasi oo sida la sheegay u arka in Suldaan Xassan loo eryanayo Weedhihii kulalaa ee uu kaga hadlay Shaqaaqadii dhawaan Berbera ka dhacday ee Taliyuhu ku dhintay iyo Marxalada Dekeda Macmalka ah ee Ceelgari. Suldaan Xassan ayaa mudooyinkii u dambeeyay eedo calculus u jeedinayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaanu dhawr jeer oo uu hadlay ku sheegay Xukuumaddi ugu tayada liidatay ee soo martay Somaliland.
Suldaan Xasan ayaa shalay sida la sheegay kulamo isdaba joog ah oo uu kaga arinsanayo Dhacdadan la soo gudboonaatay la yeelanayay dadka booqashada ugu yimid Gurigiisa, halka uu sidoo kale ku qaybinayay Gaadhadhka Kulan uu isagu dalbaday oo sida la sheegay ay ka soo qayb galayaan in ka badan Afar kun oo Xubnood oo ka soo jeeda Beelaha Subeyr Awal oo lagaga hadlayo arinta shalay ka qabsoontay Huteelka Green Plaza ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...