Warar xog,ogaal ah ee nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in dagaal sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo qof oo kale ay sababeen kadib isku dhac dhex maray ciidamada badda Somaliland iyo kuwa jabuuti,
Isku dhacan ayaa yimi kadib markii ciidamada Jabuuti ay isku dayeen in xoog ku kaxaystaan labo markab oo si sharci looga kireeyey biyaha badda Somaliland, maraakiibtani oo ay ilaalinayeen ciidamada xeebaha Somaliland dusha markabkana ay saarnayeen qaar ka mid ah ciidamada badda Somaliland ayaa waxa weerar kusoo qaadey shan doonyood oo ay leeyihiin ciidamada Badda ee Dalka Jabuuti iyaga oo halkaasi tacshiirad rasaas ah ku furey labadii markab ee ay shaqaaqadu ka bilaabantay gaadhkana ay ka hayeen ciidamada Badda ee Somaliland.
Ciidamada badda ee Somaliland ay kala hor yimaadeen is difaac waxaase halkaasi ay xabad ku dhacday mid ka mid ah askartii ciidanka badda ee Somaliland kaasi magaciisa la odhan jirey marxuum Dheeg Cali Cismaan oo kasoo jeeda gobolka Awdal waxaana uu dhaawac kasoo gaadhay dagaalkaasi labo askari oo iyagu ka mid ahaa ilaalada maraakiibtaasi.
Geesta kale ,taliyaha aagga Saylac ee Somaliland markii uu maqlay weerarka lagu soo qaadey ciidamada iyo maraakiibaasi waxa uu markiiba u dhaqaaqay goobta uu dagaalku ka dhacay isaga oo wata Doon uu saran yahay qoriga loo yaqaan (Dhashiike iyo Qori BKM ah) iyada oo doontani gurmad ah ee uu watay taliye Maxamed Yuusuf Otor ay saarnaayeen sadex askari oo kale waxanay goobtaasii oo magaceeda la yidhaahdo Ceebaat isku haleeleen shan ka mid ah doonyahii weerarka kusoo qaaday labada markab iyo afar doonyood oo gurmad ah iyada oo doonyaha ciidanka xeebaha jabuuti ay tiradoodu ahayd sagaal doonyood waxaanay markale halkaasi dagaal fool ka fool ah isku haleeleen taliyihii aaga Saylac Maxamed Yuusuf Otor oo isagu goobtaasi ku gaadhay gurmad ahaan.
Ciidamada dawlada jabuuti ayaa iyagu isku dayay in ay gacanta ku dhigaan doonta uu watay taliye Otor balse markii ay ooda kaga qaadeen xabad ciidamada Jabuuti ayaa taliye Otor iyo ciidamadiisu waxaanay ku guulaysteen in ay iska difaacaan ciidankaasi,
Dhinaca kale ,Wararka kale ee ilaa iyo haatan nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in gurmad faro badan oo ka tirsan ciidamada badda ee fadhiya magaalada Berbera ay kusii qul qulayaan magaalada Saylac iyo aagga dagaalku ka qarxay ee loo yaqaan Ceebbaat marxuumkii ku dhintay weerarkaasi ee dhinaca Somaliland ayaa Marxuum dheeg Cali Cismaan ayaa haatan aaskiisu ka socdaa Magaalada Lawyo cade ee ku taala xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo jabuuti.
Ilaa iyo haatan Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti midkoodna kama ay hadal dagaalkaasi dhex maray labada ciidan ee badda.