Baaq nabadeed oo aan u dirnay somaliland bishii aynu soo dhaafnay ee Yekatit (february) baaqaas oo ku wajahnaa Colaada ka soo cusboonaatay deegaanada Sool,sanaag & Cayn ayaa si degdeg ah ay somaliland baaqaas uga soo jawaabtay waxaana Shalay 5 Magaabit 2008 Tirsiga Ethiopian Calendar Kuna beegan 14.March.2016 ee Tirsiga Reer Galbeedka soo gaadhay Xarunta DDSI Ee Magaalada JIGJIGA Wefti balaadhan Oo uu hogaaminayo Waziirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali mohamed Warancade Waxaanan Ugu Horeyn Uga mahad-celinay sida Wanaagsan ee ay baaqanagii ay isaga xilsaareen ugana soo jawaabeen hadaba safarka masuuliyiintu muhiimada ugu weyn ee uu daarnaa waa Arimaha Colaadeed Ee maamulada khaatumo iyo somaliland ka dhex aloosan waan waan nabadeed loogu soo afjari lahaa waxaanan filaynaa maalmaha inagu soo aadan inay Odayaal dhaqameedka DDSI ay gaadhi doonaan magaalooyinka BUUHOODLE & LAASCAANOOD Si Ay ula kulmaan Odayaasha dhigooda ah iyo siyaasiyiinta khaatumo Waxaan wada hadalka u saarnay gudiyo ka kooban Madax-dhaqameed,Culimo Awdiin,siyaasiyiin iyo Xeel dheerayaal ka soo jeeda DDSI Oo labada dhanba ku kalsoon yihiin Waxaan wada hadalka Anaga iyo Somaliland isla soo hadal qaadnay ka mid ah sidii caadada noo ahayd Isku socodka labada deegaan Dhinaca amniga dhaqaalaha iyo isu gudbinta Maxaabiista weftigan oo eega ku sugan guryaha martida ee magaalada jigjiga ee loo yaqaan MARSIN GUEST HOUSE waxaanay waftigani bilaw fiican u yihiin waftiyo iyo kulano intan ka balaadhan oo lagu ballansan yahay inay ka bilaabmaan xarunta deegaanka ee JIGJIGA
Somaliland: Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Somalidda Oo Shaaciyay Ujeedka Ay Ugu Yeedheen Wafdi Somaliland Ka Socda Oo Hadda Ku Suggan Magaaladda JIG-JIGGA
Date: