Somaliland: Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Laga Qaaday Xilkii Afhayeenka Xisbiga Wadani

Date:

Afhayeenka xisbiga Wadani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa maanta si cad u beeniyay warar ay warbaahintu qoraysay oo sheegaya in laga qaday xilkii afhayeenka xisbiga wadani.

Waxaana uu xildhibaanku waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas isaga oo sheegayna inay yihiin warar aan sal iyo raad toona lahayn waxaana uu yidhi

“Baryahanba way iska socotay sheekadaasi mana aha kaligay ee waa madaxda xisbiga oodhan oo ayaa dacaayado laga qorayay, kolay wax iska cusubna maaha ee waxya muujinaysaa kor u kaca uu xisbigu samaynayo oo dadka kasoo horjeeda ay camal ka dhigtaan daacayadaha raqiiska ah inay faafiyaan, waana warar aan sal iyo raad toona lahay bulshaduna waa og tahay inaanay waxaa waxba ka jirin lamana garanayo halka laga keenay aniguna isma casilayo xilna laygama qaadin waana ahaanayaa Wadani’Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

Si kasteba ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhay afhayeenka Wadani Xil Ibraahin ayaa kusoo beegmaya xil ay warbaahinta qaar qorayeen in xilka laga qaaday afhayeenka xisbiga wadani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...