Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa u markii ugu horeysay shaaciyey in Faysal Cali Waraabe yahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID oo uu iminka yahay Jamaal Cali Xussen isla markaana uu mudooyinkii ugu danbeeyey muran ka taganaa.
Gudoomiye Muuse ayaa waxaa uu arintaasi sheegay mar uu maanta ka hadlaayey munaasibad ay gudida doorashoyinka Somaliland ku shaacinayeen wakhtiga diwaangalintu ka bilaabmeyso gobalka Saaxil .
waxaana uu sheegay Muuse biixi in Faysal Cali waraabe uu ugu waayo aragsan yahay saddexda xisbi ee dalka ka jira , laba jeer oo hore uu u tartamay uu dhacay balse uu u rajeynaayo in uu tartanka danbe guuleysan doono waxaana uu yidhi
“ Sadeexda xisbi qaran ee maanta jooga Faysal waa run oo waa waayo arag laba tartan doorasho ayuu galay labadiina wuu dhacay waana uu aqbalay taas oo qaranka wax weyn ku ahyed balse doorashada danbe ayuu guuleysan doona” ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi “
Si kastaba ha ahaate hadalkan lama filaanka ah ee maanta sida yare e fudud uga soo baxay gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxaa uu yahay mid bulshada u cadeynaya rabitaanka Faysal Cali waraabe uu donayo in uu mar kale isku soo sharaxo musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID waxaana ay noqon doonta buudhi madhan oo laga kireeyey musharax Jamaal Cali Xussen