Somaliland: Hargeysa oo Dad Weyne u Maharaaday Labada Suldaan Iyo Waxgarad Kale Oo Ay Dhawaan Xukuumaddu Xidhay, Iyo Taayiro La Gubay

Date:

Dadkan Ayaa Dalbanayay In Suldaan Sabeyse Iyo Suldan Sulub Xoriyadooda Loo Soo CeliyoAma Maxkamada Deg Deg Loo Horgeeyo

Dad weyne Gadoodsan ayaa Shalay Barqonimadii mudaharaad ku muujiyay sida ay uga xun yihiin Labada Suldaan ee ay Xukuumaddu Dhawaan Xabsiga u taxaabtay ee ka soo jeedo Beelaha Dega Woqooyiga,Gabeedka Iyo Koonfurta Hargeysa,waxaanay meelo kala duwan oo Woqooyiga Hargeysa ka mid ah Dadkani shalay ku gubeen taariyo iyo jidgoyno ay ku xidheen Wadooyinka Muhiim ah oo gaadiidku isticmaalaan.

Sida Wariye Wargeyska Foore ka tirsani uu ku soo arkay,waxa uu mudaharaadkani shalay Ka dhacay Qaybo ka mid ah Degmooyinka Ibraahim Koodbuur iyo 26-june ee Magaalada Hargeysa gaar ahaan Jidka Boqol iyo Kontanka,Xaafadaha Idaacada iyo Xero-Awr oo ka mid ah Xaafadaha ugu dadka badan Caasimada Hargeysa. Inkasta oo ay Xukuumaddu ka war heshay Habeen hore qaban qaabada Mudaharaadkaasi lagaga soo horjeeyay Xadhigga Suldaan Mawliid Cali Sabayse Iyo Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur,iyo waliba dadka kale la xidhan haddana waxa Mudaharaadkaasi laga dareemay Qaybo badan oo ka tirsan Magaalada Hargeysa oo uu si weyn u ruxay Mudaharaadkani,iyadoo Qiiqa taayirada ay Gubayeen dadkaasi ka cadhaysan Xadhiga Salaadiiintaasi meelo fog oo Caasimada Hargeysa ka mid ah laga arkayay.

12834702_920267931427349_135906390_n

Waxa markii dambe goobahaasi Mudaharaadku ka dhacay Shalay ay Xukuumaddu galisay Ciidamo badan oo isku dhaf ah kuwaasi oo dadkii mudaharaadayay qaar ka mid ah saldhigyada ku garay. Waxa ay Sidoo kale Ciidamadaasi ka gureen Taayiro badan oo lagu daadiyay Jidadka mihiimka ah ee Xaafadaha Boqol iyo konta kuwaasi oo la doonayay in la gubo. Waxa la arkayay Ciidamo badan oo dad shacabka dhex baacsnayay shalay Xaafada Xawaadle ee Woqooyiga Hargeysa kuwaasi oo dadka ay qabtaan u qaadayay Saldhigyada u dhaw goobtaasi. Dadkan ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku dalbanayeen in xoriyadooda loo soo celiyo Salaadiinta iyo Waxgaradka kale ee ay Xukuumaddu dhawaan jeelka Madheera u dhaadhicisay ee ay ka soo qabatay Xeebta Muranku ka aloosan yahay ee Woqooyiga Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimada Wadanka ee Hargeysa.

Xukuumadda oo aad uga cabsi Qabta Mudaharaado ka dhaca ama laga soo abaabulo Deegaamadda ay Salaadiintaasi ka soo jeedaan ayaa habeen hore fiidkiiba xaafado badan oo woqooyiga Hargeysa ka mid ah ku daadisay Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da iyo Askarta ka hawlgasha Saldhigyada,kuwaasi oo si aan hore loo arag baadhis iyo galalaf ugu sameeynayay Gaadiidka Dad weynaha,halka ay Jidadka qaarna ka joojinayeen Gaadiidka oo ay u diidayeen inay Isticmaalaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...