Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay Dilka Taliyihii Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Caseyr).
Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sheegay in Xukuumaddu masuul ka tahay Dilalka Dalka ka dhacaya, Maaddaama buu yidhi ay waxba ka qaban wayday Dilalkii hore u dhacay, taasina keenayso in Dilalku sii socdaan.
Jamaal oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa yidhi, “In badan ayaanu ka hadalnay Dillakii hore ee dhacay, in badan ayaanu Xukuumadda ku boorinay inay wax ka qabato Dilalka gaadhaya dhowr iyo tobanka Askari ee ka dhacay Dalka, waa Nabadgalyo daro haddii Askari ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland uu qof kale u quudhu Xabad oo uu la beegsado, Xukuumadda waxaan ka filayey inay Tallaabo adag ka qaado kuwii hore, si aanu u dhicin kan Maanta dhacay, ilaa haddana waxba kamay qabanin, waxa la yidhi ‘Indhooluhu Dhirbaaxo Dabadeed buu Gabbadaa’, imika ayay car-cararayaan.”
Jamaal oo ka hadlaya Dilka Taliye Caseyr, ayaa sheegay, “Dilkaasi wuxuu ahaa Arrin fool xun oo aan u wanaagsanayn Shacabka Somaliland, waxaanan ka xumahay in markii Shacabku waayeen Dawladdu Hab-caddaaladeed marto inay Qabaa’ilka adeegsadaan, wayna ku kelifaysaa Shacabku inay Qabyaalad adeegsadaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Dawladda KULMIYE way la kuftay Dawladnimadii loo dhiibay, Maaha in Madaxda KULMIYE intay laba Reerood dhex fadhiistaan ay yidhaahdaan waanu talinaynaa iyadoo Kiiskani yahay Kiis Qaran.”
Musharraxa Madaxweynaha UCID, waxa kale oo uu sheegay, “Ninka Taliye Caseyr ku sheegaya Reer Waa Nin fulay ah, Ninka Reernimo ugu hadlayaana waa nin Taliye Caseyr ka duudsiyaya Halyeynimadii Qaran ee uu lahaa iyo Milgihii iyo Sharaftii uu lahaa, Maanta waa inaynu ka fikirnaa sidaynu u daryeeli lahayn Agoontii uu ka tagey.” Ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo koobay.