Somaliland: “Golaha Wakiiladdu Waxay Ogyihiin In Aanu Jirin Madaxweyne Kala Dirayaa…”

Date:

Gudoomiyaha Saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa sheegay in golaha wakiiladdu laaleen xeerkii lagu soo dooran lahaa kuwii iyaga bedeli lahaa, isla markaanna ay gabood ka dhiganayeen muddo kordhin kale.

Cali Guray sidoo kale, wuxuu sheegay in aanu jirin madaxweyne u hiilaya dadkiisa oo kala dira Golahan.

Cali guray wuxuu sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook-ga, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Sheekadan anigu hore ayaan uga hadlay. Waxa ugu dambeeyay maqaalkan toban sanadood markii ay dhamaysteen ee laba sanno ku dhawaad kale u bilaabmay ee Kalfadhigoodii ay gebi ahaanba ka saareen Xeerkii lagu soo dooran lahaa kuwii iyaga bedelayay ajandihii kalfadhigii golaha. Taas oo markaaba la iska arkayay inay ahayd xeelad kale oo gabood looga dhiganayay muddo kordhin kale hadii ay u marayso.

Tan kale, waxay ku xisaabtamayaan in aanu jirin Madaxwayne diyaar u ah inuu dadkiisa u hiiliya oo gebi ahaanba kala dira golahan faasidka ah ee aan shacbigii doortay ka xishoonayn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...