Somaliland: Badhasaab Ramaax Oo Ka Dayriyay Abaarta Ku Laxaadsatay Gobolka Awdal

Date:

Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay  in xaaladda abaarta ka taagan deegaamada gobolku ay  ka sii darayso maalinba maalinta ka dambaysa. Waxaanu tilmaamay in xooluhu ay aad u le’anayaan.

“Waxa deegaamada Gobolka Awdal haysa abaar ba’an oo aad u dabo dheeraatay oo aad moodo inaanu gobollada Somaliland kaga duwan nahay,  sida Hargeysa  iyo Gabiley. Gobolka Salel abaarta kulul wuu nala qabaa. Roobabkii gu’gii hore gobolka Awdal roob badani nama helin. Gobolka Awdal  intiisa badan biyo wuu leeyahay. Deegaamo biyihii ka go’een oo aanu is nidhi biyo gaadh  siiyana way jiraan. Toddobaadkan waxaanu dhaaminay  illaa siddeetan booyadood oo biyo ah oo aanu bulshadda biyaha u baahan gaadh siinay,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.

Badhasaab Ramaax waxa uu sheegay in gobolka Awdal inta badan lagu dhaqdo xoolaha oo uu tilmaamay inay abaaraha aad ugu nugul yihiin.

“Xaalad aad u adag oo abaareed ayaa ka taagan gobolkan, Awdal waxa uu  iskugu jiraa xeeb, guban, oogo iyo dhul buuraley ah. Xooluhu aad ayay u le’deen tusaale ahaan qoyskii boqol neef oo lo’ ah  haystay waxa u hadhay labaatan ama toban. Sidoo kale gobolku waxa uu ku tiirsanaa xaga waxsoosaarka beeraha markaa sannadkan iyo kii hore midna waxba noomay bixin roob la’aanta awgeed maadaama oo beerahayagu ay beer roobaad u badnaayeen,”ayuu yidhi Badhasaabka oo xalay u warramay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Mr. Ramaax waxa uu intaas ku daray inay illaa 40  barkadood oo cusub u sameeyeen bulshadda abaaruhu hayaan, maadaama aanay  xooluhu gaadhi karin ceelashii ay hore uga cabi jireen tamar darro darteed.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...