Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna gudomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa maanta shaaca ka qaaday inay wada hadal toosa la furayaan siyaasiyiinta garabkii isbahaysiga kulmiye ee qaadacay doorashadii ka dhacday xisbiga kulmiye.
Waxaana uu gudoomiyuhu ka dhawaajiyay inuu dhawaan furmi doono wada hadaladaasi, sidoo kalena waxa uu sheegay inay xisbi ahaan arinkaasi ay ka shireen isla markaan ay go’aan ku qaateen in wada hadal lala furo garabkaa waxaana uu gudoomiye Cirro Yidhi Sida tan
“Waxaad baryahanba maqlayseen in la yidhi wada hadalo ayaa u furmay garabka isbahaysiga iyo xisbiga wadani oo ay saxaafaduna ay aad u hadal haysay, waxaan idin sheegayaa in arinkaas in xisbi ahaan uu hogaanku ka shiray, inaan xisbi ahaana isla qaadanay inaan wada hadal la bilowno isbahaysiga,waana go’aan xisbi wakhtiga iyo tafaasiishana iyo xiliga uu furmayana dib Ayaan idinka sheegaynaa, laakin waxaan jecelnahay in siyaasiyiintaa reer somaliland ee isbahaysiga ah ee wali ka tirsan xisbiga kulmiye inanu anagu iyadoo xisbiga calaamadisu tahay xisbi somalilnd oo ay dadkuna usiman yihiin, madaama ay rag siyaasiyiina yihiin waxaan xisbi ahaan isla garanay inan wada hadalkii la bilowno sida ugu dhakhsaha badan”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Cirro.
Gabagabadiina garabka isbahaysiga kulmiye ayaa iyagun dhawaaan shaaciyay inay wadda hadalo toosa la furayaan xisbiyada mucaaradka ah iyagoona sheegay inay kuu biraayaaan kay u arkaan inuu yahay kay doonayaan.