Gudoomiyaha Xisbiga talada haye ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo saxaafada kula hadlayey xarunta wasaarada warfaafinta ayaa waxa uu ka hadaly gudoomiyuhu abaaraha ka jira dalka meelo ka mida isaga oo bulshada reer somaliland ugu baaqay in loo gurmado dadkaas ay abaaruhu saameeyeen, gudoomiyaha oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Illahay ha inaga dul qaade dalka waxa ku habsaday abaar dheer, sida dadka taariikhada yaqaanaa ay warinayaan, abaartan, abaar saa dalka u wada gaadho waxa ugu dambaysay 1928-kii, abaartii Baaho la odhan jiray, ta labaad ee ugu soo dhawaydna waxa ay ahayd tii Dabo-dheer ee 74-kii oo markaa gobalada qaar uun saamaysay, tanise waa Cumuum, illahay baanu baryeenaa inuu naga dul qaado”.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu umada faray inay isu gurmato oo la caawiyo dadka ay abaartu saamaysay “Umada somaliland waxaan u sheegayaa inay isu gurmato, kii xoolo haya, kii xoog haya, kii fikrad haya inuu dadka diciifka ah u gurmado”.
Geesta kale Muj. Muuse Biixi Cabdi gudoomiyaha Xisbiga talada haye ee Kulmiye waxa uu ka hadlay shilalka soo noq-noqda ee ka dhaca dalka jamuhuuriyada somaliland isagoo baaq u diray gudoomiyuhu wadayaasha gaadiidka “Masiibadaa shilalka baabuuta inagu hayaan Waxaanu kaga bixi karnaa.
In dadka guud ahaan fahmaan baabuurku inuu yahay aalad wax disha ee aanu baabuurku ahayn aalad raaxo, hadii ka wada iyo ka leh iyo ka suuqa socdaa intaa fahmo waxaanu ogaanaynaa inuu baabuurku khatar yahay.
Hadii aynu sharciga raacno oo qofka marka la yidhaa liisanka qaado oo imtaxaan ha lagaa qaado, aanu damcin imtaxaanka si fudud u qaato ilayn naftiisa uun baa la ilaalinayaayee, hadii aad tidhaahdo dawo aanan garanayn baan qaadanayaa waad ku dhimanaysaa, liisan baabuur waad qaadatay oo waad ogtahay inaadan baabuurka aqoon dee adaa khatar is galiyey dadkiina galiyey
Dadka baabuurta lahi waxay ka hagradaan inay baabuurka dayac tiraan bireegiisa, isteerinkiisa, saliidiisa iyo taayaradiisa, hadii baabuurku taayardiisa kala dheeryihiin amaba taayir jilicsanyahay aad ka xaysato oo aad ka xaysao istidhi wuu ku dilayaa waayo taayar baa qarxayoo wu is rogayaa, hadii lagu yidhaa intaa iska eeg waad diidaysaa oo askarigii taraafiga ahaana waad ku dhibsanaysaa ama waad khiyaamanaysaa markaa cidna maad khiyaamaynee adigii waday baa isku dilay, qoskaagii aad jeclaydna waad ku dishay “.