Somalia: Wasiirka Amniga oo sheegay in wax badan ka qabteen amniga Muqdisho!

Date:

Wasiirka Amniga ee dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in weerarada argagaxisada ay caalamka meel walba ay ka dhacaan, isla markaana horey wax uga qabteen arrimaha amaanka ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo wareysi siinayey idaacada VOA ayaa sheegay in fikirka laga qabo amni xumada Muqdisho ay tahay aragti khaldan oo kaliya ama (Perception) sida uu yiri.

Wuxuu Wasiirku sheegay in fikirka saxda ah ay tahay in marar badan ay fashiliyeen weerarada kooxaha argagaxisada, balse ay mar mar dhacdo qaraxyo shacabka lala beegsado isagoo caadi ku tilmaamay in hal qarax ama labo ay magaalada ka dhacaan bil walba!

Cabdirisaaq Cumar ayaa ku dooday in shacabka Muqdisho oo badan darteed ay keento marar badan in ay dhacaan weeraro, isagoo sheegay inay hada diyaar u yihiin inay kalsooni geliyaan shacabka inay amniga wax ka qaban doonaan. Wuxuuna intaasi raaciyey in arrimaha amniga ay hada masuuliyada buuxda ku wareejiyeen maamulka gobalka Banaadir.

Horey ayuu Taliyaha hay’ada Nabadsugida ee Federaalka Tuurayare u sheegay in amniga Muqdisho ku wareejiyeen maamulka gobalka.

Labadan mas’uul ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay xaalada amni xumada ka jirta caasimada Soomaaliya iyo inay ku fashileen xilkii ay hayeen. Balse iyagu waxay aaminsan yihiin inay hawl wanaagsan qabteen oo mar mar ay dhacdo falal argagaxiso taasina kala siman yihiin caalamka oo dhan, waa sida ay hadalka u dhigayeen.

Marka laga yimaado fashilaada dhanka amaanka ee Muqdisho ayaa hada waxaa muuqata in mas’uuliyiinta dolwada ayba diidan yihiin in wax dhaliil ah ay qaataan iyagoo iska fogeenaya gebi ahaan eeda loo soo jeedinayo.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Shiikh oo dib ugu soo noqday Muqdisho ayaa la filayey inuu xil ka qaadis ku sameeyo madaxda Amniga oo labaduba ah dad ay aad isugu dhaw yihiin, balse arrintaasi ayaa hada muuqan in wax tilaabo ah laga qaadin.

Sanadkii 2014 bishii May ayuu xilka Wasiirka Amniga iska casilay C/kariin Xuseen Guuleed oo kamid ah xubnaha Madaxweynaha ku dhaw kadib weeraradii is xig xigay ee ka dhacay goobo muhiim ah oo uu ku jiro Baarlamaanka. Guuleed ayaa hada ah Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xassan Shiikh laftiisa ayaa todobaadkii hore isticmaalay erayga ah (Perception) ama inay tahay fikir khaldan oo laga faafiyey dhankooda mar wax laga weydiiyey Musuq Maasuqa la degay dowlada Federaalka Soomaaliya oo sanad walba kaalinta 1aad ka gasha dalalka ugu musuq maasuq badan Caalamka. Hase yeeshee Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa sheegay in arrintaasi aysan waxna ka jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...